U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Ka Wada Deegaanka Halgan Ee Gobalka Hiiraan Iyo Deegaanno Kale

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladd Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo waxa ay maanta ka wadaan deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan iyo deegaanno kale oo halkaasi ku dhaw.

Ciidamada ayaa ku faafay deegaanka Halgan iyo sidoo kale deegaanada kala ah Ceeldheer, Tayeeg iyo deegaanno kale, waxaana howlgalkaan uu daba socdaa qarax Miino oo xalay ka dhacay Halgan.

Laba Xidigle Maxamed Cumar Aadan Gaduudow oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee ku sugan deegaanka Halgan ayaa u sheegay Goobjoog News in uljeedka howlgalkaan uu yahay sidii loo soo qaban lahaa dadkii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Halgan.

“Amniga guud aad buu u wanaagsan yahay ciidamada howlgal ayeey wadaan, qaraxa waxa uu ahaa mid dhulka la geliyay, iyagii dhigayay ayeey waxyeelo kasoo gaartay, rasaas ayeey nagu soo fureen waana erinay, howlgallada aan maanta wadno waa kuwo aan ku dooneyno in aynu amniga wax uga qabanno, waxaana garab nasiinaya shacabka oo natusaya meelaha ay cadowga ku dhuumanayaan” ayuu yiri Gaduudow.

Illaa iyo hadda howlgalada ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMIOM lama sheegin cid ay kusoo qabteen, iyadoo aanu howlgaladaan saameyn ku yeelan goobaha ganacsiga iyo waxbarashada ee deegaanka Halgan iyo deegaanada kale ee howlgalka laga wado.

Goobjoog News