U bood dhigaalka

Wasiir Fargeeti “Soomaaliya Ma Aqbali Doonto In Hakad La Geliyo Heshiisyada Shidaal Baarist Ah”

Sheeko:Dalka

Wasiirka Maaliyada ee Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Frgeeti ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in hakad la geliyo heshiisyada shidaal barista ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in go’aanka lagu sii wadayo qorshaha shidaal barista uu yahay mid Soomaaliya u taal wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay go’aan ka qaadaneyso waxa dalka u wanaagsan.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintani ay tahay mid Soomaaliya ay horay u qaadatay isagoo intaas ku daray ineysan soo dhaweyneyn hakadgelinta heshiiska lagu baarayo shidaalka Soomaaliya.

Kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eretria ayaa dooneysa iney warbixin gudbiso bartamaha bishan taas oo ay ku baaqeyso in la hakiyo baaritaanka shidaal ee lagu sameynayo Soomaaliya iyadoo xustay in aysan ahayn mid soo maray nidaamka sharciga ee dalka.

Heshiiskan ay la gaartay Soomaaliya shirkadda Soma Oil ee saldhigeedu yahay dalka ingiriiska ayaa sababay in dowlada ingiriiska ay baaritaan ku sameyso shirkadda Soma iyadoo ku tuhunsan iney wax musuqmaasuqday.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladu ay isbedello ku sameyneyso  qaabka lagu qeybsanayo daqliga si ay u xaqiijiso sidii dalku ugu faa’iideysan lahaa, wuxuuna sheegay in la bilaabayo qaabkii looga faa’iideysan lahaa marka nidaamkaas la dejiyo.

Wuxuu sheegay ineysan iska sii wadi doonin faa’iido qeybsiga heshiiskan iyagoo aan marin qaabka sharciga ah ee loo dejiyey.

Bangiga adduunka ayaa kula taliyey dowladda Soomaaliya iney sameyso sharciyo lagu xaqiijinayo sidii qeyraadka dalka ay uga faa’iideysan lahaayeen muwaadiniinta, wuxuuna Bank-igu intaas ku daray in dowladdu dhisto guddiga maareynta maaliyadda oo dib u eegis ku sameeya heshiisyada taas oo ah fikir aad muhiim u ah.

Soma Oil oo sheegta iney ku qarashgareysay $40 million sahminta shidaalka dalka ku yaala geeska Africa ayaa weydiisatay dowladda ingiriiska iney ka caawiso joojinta hindisahan la doonayo iney ku sameyso baaritaal shidaal qodista.

Goobjoog News