U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? Tirada Dadka La Diley Bisha September,  2015

Waa markale iyo qormadeenii billaha ahayd ee aan ku tirakoobeyney dadka sida sharci darada ah loogu dilay gudaha Soomaaliya, waxaanan qoraalkani kusoo bandhigeynaa inta soo gaartay Goobjoog News.

Waxaa jira jira dilal kale oo kuwan ka badan oo dalka ka dhacay balse aanan soo gaarin Goobjoog News ama aysan xaqiijin karin, waxaana ugu wacan duruufaha dalka ka jira oo dhinacyada dagaalamay aysan sheegin qasaaraha dhacay, dowladdana aysan marnaba bixinin tirakoob ah sax ah ee shacabka la waxyeeley.

Sida aan marar badan sheegneyba qormadani ujeedkeedu ma ahan in cid gaar ah lagu bartilmaameedsado, balse waa diiwaan nool oo quseeya gabood falada shacabka laga galo, si haddii ay timaado cid la xisaabtamaysa ama nidaam caddaalad ah loo horgeyn karo.

Dadka la diley waxaa ku jira Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ciidamada, Caruur xaq darro lagu dilay,Macalimiin, Injineero, Ganaxsato,  mas’uuliyiin xilal kala duwan ka hayay dalka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Sooyaalka Bisha September:

September 1, 2015: Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubba ayaa Deegaan lagu Magacaabo Geedweyne oo hoostaga doolow ay ku dilay 4 qof ooo ay ku eedeeyeen in ay gacan saar laleeyihiin Ururka Al Shabaab.

September 1, 2015: Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Xero ay AMISOM ku laheyd Jannaale, Xerada Amisom ee la weeraray, ayaa waxaa deganaa Ciidamada Uganda, Shabaabku waxay sheegteen inay ku dileen 70 ka mid ah Xoogaga Uganda ee Amisom ka tirsan.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa sheegay weerarkaasi inuu ahaa mid loogu aargudaayay shacabkii ay dhawaan Ciidamada Uganda ku dileen Magaalada Marka.

September 4, 2015: Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay toogteen Afar ruux oo ay ku eedeeyen inay Jawaasiis u ahaayeen Dowladda Federalka Soomaaliya.

Afarta  qof ayaa kala ahaa: Cabdi Nuur Maxamed Cabdi oo 20 sano jir. Ciise Xuseen Axmed oo 50 sano jir ah, Faarax Cabdule Cali oo 63 sano jir ah, Maxamed Axmed Cali oo 20 jir ahaa.

September 8, 2015: Nin Macalin ahaa ayaa lagu dilay Xaafada Mac-macaanka ee Degmada Dharkiinleey, ee Magaalada Muqdisho, Ninkaan ayaa xilliga la tooganayay wuxuu ku sii dhawaa aqalkiisa oo uu geli rabay, balse rag hubaysan oo Bistoolado wata ayaa rasaas la dhacay ninkaan oo durba ku nafbaxay halkii lagu dilay.

Dilka wuxuu ka dhacay Macalinka la dilay, ayaa waxaa loo yaqaanay magaca Cabdullaahi Cali Xuseen loona yaqiin (Caano Geel) uu caan ku ahaa, hayeeshe waxaan la garaneyn cida ka dambeysay dilkiisa iyo sababta loo dilay intaba.

September 9, 2015: Sideed qof oo u badan dhinacyadii dagaalantay, ayaa ku dhimatay dagaalka culus oo ka dhacay Magaalada Caabudwaaq, halka 15 kalana ay ku dhaawacantay.

Dagaalka maalintii labaad galay, ayaa ka dambeeyay markii hal habeen ka hor uu Magaalada Caabudwaaq uu soo galay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Maamulka Galmudug, C/ladiif C/laahi Warsame (Gacamey).

September 13, 2015: Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay Suuqa Bakaaraha dhinaca Degmada Hawlwadaag ay ku dileen mid ka mid ah Ciidanka Nabad Suggida, ee ka hawlgala Suuqaasi. Askariga oo aan wax hub ah wadan, balse xirnaa dareyska iyo kabaha Nabad Suggida, ayay raggaasi u toogteen si boobsiis ah

September 14, 2015: Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa  saddex ruux oo Dhallinyaro ah ku Gowracay Deegaan lagu magacaabo Yiblane oo ku yaalla Dulleedka Deegaanka Fiidow oo kala Qaybiya Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, Kooxda ayaa dhalinyarada ku eedeysay in tirsanaayeen ayna la shaqeynayeen kuwa Midowga Afrika ee ka socda AMISOM.

September 14, 2016:  Faysal Baxuur oo ka tirsanaa Ganacsatada Qaadka magaalada Jowhar, ayaa gelinkii dambe ee maalintaas lagu dilay duleedka Magaalada Jowhar, xilli uu watay dhug dhugley/mooto, Howlgal ay sameeyeen Booliiska ayaa lagu soo qabtay ninkii dilay kaas oo hadda ku xiran Jowhar.

September 15, 2015: qarax miino lagu dilay Injineer Siidow Cismaan Cali, oo ka qayb qaatay dhismooyin badan oo laga hirgeliyay Degmooyinka Gobolka Banaadir. Injineerka oo la socday gaarigiisii, oo sida la sheegay qarax miino loogu soo xiray, ayaa wuxuu kula qarxay Wadada Sheelare Ee Buundada Degmada Xamar Jajab.

Eng. Ahmed Osman  ayaa goobta ku dhintay halka Darawalkiisa la dhaawacay, arinraas waxaa xaqiijiyay Midowga Ganacsatada oo falkaas cambaareeyay.

September 16, 2015: Xildhibaano  ay ka mid yihiin Dahir Amin Jeesow iyo Xildhibaan Maxamed Cumar “Goodir, Maamulka gobolka Hiiraan ayaa wadada loo galay, Xildhibaan Maxamed Cumar “Goodir”  ayaa sheegay in ay isaga iyo Xildhibaano kale ka badbaadeen weerar loogu geystay Deleedka Beledweyn, 6 qof ayaa ku dhibtay in ka 13 ayaa ku dhaawacmay labada dhinac.

September 17, 2015:13 Qof oo u Dhintay Abaaro ka Jira Somaliland, sidaa waxaa sheegay hay’adaha samafalka.

September 17, 2015: Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, qarax ay ku dhinteen Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland, ayaa ka dhacay Magaalada Kismaayo. Qaraxaan oo ahaa Miino, ayaa la geliyay goob ay ku shiraan Saraakiisha ciidamada Jubbaland oo ku dhex taallo Xerada Shiirkoole ee magaalada Kismaayo,, Maxamed Sheekh C/qaadir (Kooshle) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Jubbaland, ayaa xaqiijiyay in saddex Sarkaal ku dhimatay qaraxaasi, halka dhowr kalana ay ku dhaawacantay.

September 17, 2015: Laba nin oo ganacsato ah, ayaa waxaa lagu dilay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay dileen askar ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubbaland.

Askarta, ayaa waxay labadaasi nin kala degtay gaari BL ah oo ay la socdeen, waxayna la taggeen Ceeldhiig, oo ku taala afaafka hore ee Magaalada Kismaayo, halkaasoo la soo sheegayo inay ku dileen.

Ganacsatadan oo hal beel ka soo jeeda, ayaa waxaa mid ka mid ah lagu magacaabi jiray C/risaaq Axmed Gaas. Lamana garanayo waxa uu salka ku haayo dilkood

September 18, 2015: Mid ka mid ah haweenka ku dhaqan Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxay ku dishay Magaaladaasi saygeedii, ka dib khilaaf ka dhex taagnaa maalmihii la soo dhaafay.

Dhacdadan, ayaa ka dhacday Xaafadda Kooshin, iyadoo haweeneydu ay dilka saygeeda u adeegsatay toorey/mindi, waxayna kaga dhuftay qaybaha kore ee jirkiisa.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdi Aadan, ayaa daqiiqado ka dib ugu geeriyooday hoygiisa, markii tooreyda ay kaga dhacday meel halis ah

September 19, 2015: Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay dileen Askar ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo gaaraya 11 Askari, kadib dagaal ciidamada Shabaab iyo kuwa Kenya ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Gedo gaar ahaan Baardheere ee Koonfurta Somaliya.

September 20, 2015: Kooxo hubaysan ayaa waxa ay Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho ku dileen Haweenay la sheegay inay Khudaar ku iibin jirtay Suuqa Ansalooti ee Degmada Xamar jajab. Haweenayda la dilay, ayaa magaceeda lagu soo koobay Canshuuro Cali, waxaana dilkeeda ka dambeeyay rag hubaysan oo watay Bistoolado

September 20, 2015: 8 ay dileen  Ciidamada Kenya, afhayeenka Ciidanka Militeriga dalka Kenya Col. David Obonyo, ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Xinhua  in Militeriga dalka Kenya, ay dileen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib markii dagaal uu ku dhexmaray Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya, ciidamo ka tirsan Shabaab iyo kuwa Dowladda Kenya ee howlgalka Amisom qaybta ka ah.

September 20, 2015: Gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa Muqdisho ku jiiray Wariye C/rixmaan Maxamed Ibraahin Gacan oo ka tirsan Wariyaasha Idaacada Radio Muqdisho Ee Codka Ciidamada.

Wariyaha ayaa Xilligaas marayay irida Madaxtooyada,waxaana Dhaawaciisa loo la Cararay Isbitaalka Daarul Shifa Ee Magaalada Muqdisho.

September 21, 2015: Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacday, Aabe Somaliyeed ayaa la sheegay in uu  magaaladaasi ku dilay wiil uu dhalay kadib markii uu ku caasiyay.

September 20, 2015: qarax ayaa ka dhashay bam lagu tuuray ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya oo howlo shaqo ku jiray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Qaraxan ciidamada lagu tuuray, ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana wararka ay sheegayaan labo Askari oo ka tirsanaa ciidankii Dowladda ay halkaasi ku geeriyoodeen

September 21, 2015: Qarax ka dhacay Hotel SYL iyo Afafaafka Madaxtooyada, 11 ayaa la xaqiijiyay, C/qaadir Gabeyre iyo nin ay Saxiibo ahaayeen oo heystay dhalashada Poland ayaa goobta ku dhintay, Labada nin ayaa rabay in ay Muqdisho ka hirgeliyaan Hotel Casri ah, Soomaali iyo Turki ayaa sidoo kale la sheegay in dhimasho iyo dhaawac soo gaareen, waxaa kaloo burburay Hotel SYL.

September 23, 2015:  15 ku geeriyootay tiro kale waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii labo maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen deegaanka Qoriley ee Gobolka Sool.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda deegaanada Maamulada Puntland iyo Khaatumo.

September 23, 2015: Wasiirka Waxbarashada Maamulka Koonfur Galbeed, Saadaad Maxamed Nuur (Caliyow) iyo ilaaladiisa ayaa nin ku dilay Isbaaro taallay magaalada Buurhakaba.

Rasaastii ay adeegsadeen Wasiirka iyo ilaaladiisa, ayaa sidoo kale waxaa ku dhimatay haweeney halkaasi ku haysatay goob ganacsi, waxaa magaalada tagay wafti Wasiiro ah sida arintan baaritaan loogu sameeyo.

September 26, 2015: Qarax ayaa ka dhacay Kismaayo, qaraxan ayaa ka dhacay Maqaaxida Barni Hooyo oo ku dhegan Xarunta Caymiska Kismaayo, waxaana lala beegsaday askar ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo dad shacab ah oo fadhiyay.Illaa iyo hadda waxaa la ogyahay qaraxaasi inay ku dhimatay saddex ruux oo middi uu askari ahaa, halka ay ku dhaawacantay illaa 10 qof oo kale, oo u badan askarta Jubbaland

September 26, 2015: Nin ka tirsan ciidamada Militeriga Degmada Jowhar wuxuu rasaas ku furay dad shacab ah oo ku sugnaa Xaafada Hanti wadaag ee Magaalada Jowhar, waxaana halkaasi ku dhintay hal ruux, sidoo kalena waxaa dhaawacmay labo ruux oo kale.

September 27, 2015: Ciidamada AMISOM ee saldhiga ku leh tuulada ciyaaraha ee Muqdisho ayaa waxay qof rayid ah ku dileen xaafadda Towfiiq.

Wiilka oo lagu magacaabi jiray Maxmed Bashiir Axmed, ayaa waxaa xabad ku furay askari ka tirsan ciidama AMISOM ee saldhiga kuleh Staadam Muqdishu ee degmada Yakhsiid.

September 28, 2015: Laba nin oo ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in dileen askari canshuuraha qaada, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Siinaayo ayaa u sheegay Goobjoog News, in askariga la dilay lagu magacaabayay Boosh, kaasi oo muddo badan halkaasi ka shaqeynayay

September 28, 2015: Cabdiqadir Cali Cabdi Qoorleex oo lagu dhaawacay Miino lagu aasay gurigiisa, Cabdiqadir waxaa uu ahaa Guddoomiyaha gobolka Ceel cadde ee gobolka Gedo.

September 29, 2015: Weerar gaadmo ayaa lagu qaaday fariisin ciidamada Militeriga Dowladda Federalka Soomaliya ay ku leeyihiin duleedka Degmada Afgooye,

Weerarka  ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Cumar beera oo ku yaallo duleedka Degmada Afgooye, halkaasi oo ciidamada Militeriga gaadiidka ay uga qaadaan lacago sharcidaro ah.

Labo askari ayaa lagu dilay goobta halka mid kale lagu dhaawacay, kooxdii weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsatay.

Septmber 29, 2015: 3 ruux ayaa ku dhintay dagaal mar kale ka qarxay deegaanka Qorilley ee gobalka Sool, dagaallada ayaa lagu sheegay mid beeleed.

Mawduucyada:Dilalka