U bood dhigaalka

Xarumaha Ay Ku Jimicsadaan Haweenka Oo Kusoo Badanaya Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Jimicsigu waxaa uu qeyb weyn ka qaataa caafimaadka qofka iyo in uusan miisaankiisu saa’idin taa oo micnaheedu yahay in qof walba uu jimicsiga u baahan yahay si caafimaadkiisa uu u ilaaliyo.

Waxaa jira Haween badan oo ku nool Magaalada Muqdisho, kuwaa oo ay aad ugu adagtahay inay waqti dheer lugeeyaan waxaana ay sabab uga dhigaan inay yihiin dad buuran oo socodku uu ku adag yahay.

Magaalada Muqdisho meelo ka mid ah ayaa hadda waxaa laga furay goobo jimicsi oo u gaar ah gabdhaha taas oo sahlayso in gabdho badan ay miisaanka iska dhimaan ama ay jirkooda dhisaan.

Waxaan booqday mid ka mid ah goobaha jimicsiga gabdhaha ugaarka ah ee magalada ka furan si aan wax uga ogaado talaabadan ay gabdho badan ku hor marinayaan caafimaadka jirkooda.

“Anigu jiimkan mudo bil ah ayaan dhiganayaa halkaan waxaa jooga gabdho badan badi waxay doonayaan inay kiilooyin iska ridaan aniguna iyagaan qeyb ka ahay”  sidaas waxaa goobjoog u sheegtay mid kamid ah gabdhaha dhigta jimicsiga .

“Jimicsigaan ayaan dhigtaa muddo Bil ah ayaan dhiganayaa, runtii markaygii hore iyo hada farqi weyn ayaa ii dhexeeyo oo kiilooyin ayaa iga dhacay, hada haweenkii oo dhan waa ay aalamiinteeyaan oo jimicsi ayey qaataan waana wax loo baahan yahay” Ayey gabadhani hadalkeeda ku dartay iyada oo magaceeda ka gaabsatay

Sidoo kale Salma waxa ay ka mid tahay gabdhaha kujira jimicsiga xili ay jimicsiga waday ayaan la kulmay waxay ii sheegtay inay ahayd 130 Kiilo hadana ay lumisay wax ka badan Labaatan Kiilo oo jimicsigana muddo Lix Bil ah ay dhiganayso.

“Markii jimicsigan aan bilaabayey waxaan ahaa 130 Kiilo hadana waxaan ahay 105 Kiilo waxaan lumiyey 25 kiilo waa wax aan ku farxay runtii, markaygii hore socodku waa igu adkaa gurigayga ma aanan awoodin inaan howl ka qabsado laakiin hada waan fududaaday” Salma ayaa Goobjoog sidaasi u sheegtay.

Sahro Maxamed Ismaaciil waxay macallimad ka tahay goob jimicsi oo ku taallo magaalada Muqdisho, muddo Labo Sano ah  isla markaana ay dhigtaan hablo badan oo raba inay miisanka iska dhimaan qaarkoodna ay miisanka kordhistaan.

“Anigaa shaqadan tababaridaa hablaha waxaan wadaa ilaa sanad iyo bar masha’allah dumar badan ayaan siiyaa casharka jiimka, waxay isugu jiraan qaar buur buuran oo u baahan inay miisaanka iska dhimaan iyo dumar u baahan inay miisaanka kor dhistaan oo aad u ah caato”

Sahro ayaa ii sheegtay in jimicsi uu qeyb weyn ka qaato caafimaadka qofka,  gabdhaha ay jimicsiga siisana ay isugu jiraan kuwa raba inay miisaan iska dhimaan oo dhaqtar uu u soo qoray inay jiim aadaan iyo kuwa doonaya inay iyagu is cayiliyaan oo miisan koodu uu aad u hooseeyo.

“Jimicsigu waa caafimaadka qofka dumarkeenu wuu ubaahan yahay inuu jimicsi helo waayoo qaarkood waa dad  aan inta badan soconin oo guriga fadhiyo taasna waxay keenaysaa inuu miisanka qofku uu kordho” sidaas waxaa tiri macalin Sahra.

Sanad kahor waxaa adkayd in gabadhu hadii ay u baahato goobo jir dhis iyaga u gaar inaysan helaan balse hada midaas ka duwan ayaa jirta oo magaladan Muqdisho waxaa ku yaalla goobo u gaar ah dumarka oo ay jimicsi ku sameeyaan.

W/D: Farxiya Cabdalla Muumin (Wariyaha Arrimaha Haweenka)

Goobjoog News