U bood dhigaalka

Jarmalka oo Qiyaasay in 1.5 Milyan oo Qaxooti Dalkiisa Iman Doonaan 2015-ka

Sheeko:Dalka

Wargeyska afka dheer Bild newspaper ayaa daabacay maanta oo Isniin ah in dalka Jarmalka ay filayaan 1.5 Milyan oo Qaxooti in ay galaan sanadkan 2015-ka.

Wargeyska oo soo xigtay Warbixino rasmi ah oo uu ka helay hay’adaha dowladda Jarmalka ayaa warbixintan ku soo beegay  iyadoo Wasiirka Magan-galyo doonka Xukuumad wadaagga dalka jarmalka  uu diiday in dalka laga hirgaliyo Siyaasado lagu xadidayo Qaxootiga ama in xitaa darbi ama wax kale oo Qaxootiga la iskaha owdo lagu dhiso.

Wasiirka Maaliyadda dalka Jarmalka Wolfgang Schaeuble  ayaa Axaddii sheegay in Yurub looga baahan yahay in ay la timaado Siyaasad looga hortago qul qulka Qaxootiga isagoo intaa raaciyay in dalkiisa aanu istaajin doono aqbalaadda Qaxootiga.

Ra’isul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel waxaa ay qabtaa in Dhismo la sameeyo aan lagu istaaji Karin Qaxooti Yurub yimaada balse loo baahan yahay in Siyaasad cad lala yimaado oo arinkan wax looga qabanayo.