U bood dhigaalka

Ciidamadii Ku Dagaallamay Degmada Beledxaawo Oo La Wada Hadal Siinayo

Sheeko:Dalka

Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku  sugan degmada Beledxaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegay in la wada hadal siinayo ciidamo dhawaan ku dagaallamay degmadaasi, kuwaa oo qaab beeleed u abaabulan.

Korneel Cismaan Nuux Xaaji oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay wadaan dadaal xooggan oo ay ku doonayaan in amniga ay ku xaqiijiyaan, islamarkaana lagu heshiisiinayo dhammaan ciidamada dagaallamay.

“Ciidamadaan waxaa dhex galay ciidamo kale oo awood lahaa, waxaan joojinnay xabadii, waxaan hadda wadnaa waan waan iyo sidoo kale in la wada hadalsiiyo si loo ogaado waxa lagu dagaallamay ayuu yiri Korneelka.

Sidoo kale Korneel Cismaan ayaa sheegay in go’aan lagu gaaray in xabsiga la dhigo saraakiishii ciidankaasi kala hogaaminaysa, islamarkaana ciidamada la’isku keeno.

Dagaalkii ka dhacay degmada Beledxaawo ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaa oo qaab beeleed u baabulnaa, waxaan halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News