U bood dhigaalka

Galmudug: Biyo La’aan Ayaa Ka Jirta Mudug Iyo Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmdug State ayaa ka qeylo dhaamiyay Biyo la’aan baasan oo ka jirta deegaanno ka mid ah gobalada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo guddi dhawaan loo diray qiimeynta biyo la’aanta ee deegaanadaasi ay sheegeen in xaaladda ay tahay mid adag.

Wasiirka waaaradda gargaarka Bini’aadannimada iyo dareeylka naafada ahna gudoomiyaha guddiga abaaraha Galmudug Shire Xasan Maxamuud ayaa sheegay in ay kormeer kusoo sameeyeen deegaanno badan oo ka mid ah Galmudug, halkaasi oo ay ka jiraan xaalado bini’aadannimo.

Waxa uu sheegay wasiirka in dhibaatada ugu daran ee deegaanadaasi ka jira ay yihiin Biyo la’aan, sheegayna in fuustada biyaha deegaanada qaar ay ka gaartay qiimo ka badan 200 kun Shilin Soomaali ah.

“Dowlad gobaleeda Galmudug markii ay aragtay baahiyaha abaareed ee ka jira dhulka ay maamusho ee Gobalada Mudug iyo Galgaduud waxay u bixisay guddi wasiiro ah oo soo qiimeeyay baahida ka jirta Labada gobal, waxaa guud ahaan la ogaaday in Labada gobal ay yihiin kuwo u baahan gargaar degdeg ah, waayo waxaa ku dhuftay abaar oo waxyeelo gaarsiisayay xoolaha iyo daaqii, bariga oo kale waxaa jirta in aysan helin roobabkii gu’a, sidaa darteed Galmudug waxay baaq u direysaa hay’adaha samafalka ah iyo NGO-yada gudaha ka shaqeeya in ay degdeg uga soo jawaabaan baahida ka jira iyo abaaraha deegaankaan, waxaan kaloo baaq u direynaa dadka u dhashay Galmudug in kaalintooda ay qaataan, meelaha qaar biyaha 10 doolar ayaa la iibinayaa meelaha qaarna maba helayaan booyadihii u dhaamin lahaa, waxaa kaloo jira in deegaanada kale ee qaar ay ka jiraan cuduro” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wasiir Shire ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay iyaguna gacan xooggan ka geysan doonaan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda ay dadkaan ku sugan yihiin, balse ay u baahan yihiin in garab lasiiyo.

Goobjoog News