U bood dhigaalka

Magaalada Boosaaso Oo Dib Loogu Soo Celiyay Dhallinyaro Dhawaan U Tahriibtay Yemen

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska Puntland ee gobalka Bari ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay 14-dhallinyaro ah oo dhawaan qaab tahriib ahaan looga kaxeeyay magaalada Boosaaso, kuwaa oo la geeyay Yemen, balse dib loogu soo celiyay magaaladaasi.

Gaashaanle Sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in waqti aad u dheer ay ku bixiyeen sidii dib loogu soo celin lahaa dhallinyaradaasi, iyaga oo kaashanayay waalidiinta dhallinyaradaasi.

Waxa uu tilmaamay in been abuur ay ahayd warar maalmahaan dambe la’isla dhexmarayay oo ahayd in dhallinyaradaan loo qaaday inay ka barbar dagaallamaan Kooxo ka dagaallanta Yemen, ama in tababaro ay siinayeen kooxda Daacish.

“Waxa daacish ama argagaxiso ay shaqo ku lahaayeen dhallinyaradaan malahan, waxaa magaalada ka waday Nin ay iska dhaleen Soomaali iyo Yemen, waxa uu ka qaatay lacag, waxaana uu u sheegay inuu tahriibinayo illaa Yemen, wixii aan dalka Yemen kasii bixin waxaa suurta gashay inaan dib usoo celinno annaga oo kaashaneyna waalidkooda, kuwii baxayna kolley dhanka Liibiya ayaa loo waday, in Yemen laga sii tahriibo waxaa sabab u ah Itoobiya oo xadkeeda adkeysay lana qabanayo wixii tahriib ah” ayuu yiri Taliyaha.

Waxa uu sheegay sidoo kale taliyaha ciidamada Booliiska ee gobalka Bari, in iyaga ay heegan ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen dadka ka tahriibaya Boosaasi, isaga oo dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dalkooda ka shaqeystaan oo aan lagu qaldin tahriib.

Dhawaan ayaa waalidiin ku sugan magaalada Boosaaso ee gobalka Bari iyo magaalooyin kale oo Puntland ah, waxa ay sheegeen in caruurtooda lagu qalday in la tahriibinayo, balse loo gacan gelinayo Ururka Daacish ama kooxo kale, inkastoo taasi ay beenowday.

Goobjoog News