U bood dhigaalka

Soma Oil & Gas oo ay Soo Wajahday Sumcad Xumo, Hoos u Dhac Dhaqaale iyo Qorshe La’aan

Sheeko:Dalka

Shirkadda Soma Oil & Gas  ayaa sheegtay in baaritaanka lagu wado uu horseeday Sumcad Xumo, Hoos u Dhac Dhaqaale iyo Qorshe La’aan ku yimid shirkadda sida lagu daabacay Bloomberg.

Shirkadda oo ka sheeganeysa dhibaatadaas ayaa intaa ku dartay in inta laga xerayo Kiiskan ay Khasaarahaas sii jiri doonaan.

Madaxa Soma Oil & Gas  waa Michael Howard oo horay u ahaa hogaamiyaha Xisbiga Muxaafidka dalka Ingiriiska, shirkadda waxaa ay qiratay in  $8.9 Milyan ay Khasaartay muddo hal sano ah.

Shirkadda Soma Oil & Gas  waxaa ay sahmin iyo arimaha la xiriira ilaa iyo hadda bixisay lacag dhan $41.3 million.

Shirkaddan oo fadhigeedu yahay UK, waxaa xafiiskeeda u dhacay waaxda U.K. Serious Fraud July 31 ee sanadkan iyagoo baaray lacag la sheegay in lagu bixiyay waxa loo yaqaano “capacity-building” ama tababarka iyo khibrad siinta shaqaalaha.

Mawduucyada:Shidaal