U bood dhigaalka

Xildhibaanada Mooshinka Xasan Sheekh Ka Keenay oo Wada Hadal Diidan iyo Jawaari oo Shaaciyay in Berri Furmayo.

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan ayaa mar kale ku celiyay in aanay gali doonin wax wada hadal ah inta Jawaari fasiraad ka bixinayo Mooshinka waa soo Afjarmay.

Xildhibaanada oo shir ja’aa’id maanta ku qabtay Muqdisho ayaa soo saaray war Saxaafadeed ka kooban ilaa 7 qodob.

Goobjoog News ayaa heshay nuqulka Warsaxaafadeedka:

Oggolaanshiyaha Wada hadalka looma fasiran karo soo afjarista Mooshinka, Mooshinka waxa lagu soo afjari karaa in Maxkamadda marka loo gudbiyo soo xukmiso in aan sharci aheyn iyo haddii Maxkamadda sharcnimadiisa xukunto in golaha la keeno si aqbaliyad lagu ansixiyo 2/3 xubnaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha golaha shacabka waxaa uu ku xadgudbey qodobka 4aad ee Dastuurka oo hagaya hay’adaha qaranka marka kuu ku andacoodo Afjarid Mooshin uusan awood u laheyn.

Xildhibaanada Mooshinka keenay waxaa ay ka codsadeen Guddoomiyaha in uu fasiraad ka bixiyo waxaa uu ula jeedo Mooshinka waa soo afjarmay, ilaa iyo hadana Jawaab kama bixin.

Xildhibaanada Mooshinka Keenay, Ma aqbalayaan wax wada hadal ah inta Mooqifka Guddomiyuhu yahay” Mooshinka soo Afjarmay”

Xildhibaanada Mowqifkoodu waa in Mooshinka uu taagan yahay, loona gudbiyo Maxkamad awoodda u leh in ay go’aan ka gaarto.

Xildhibaanada Mooshinka waxaa ay umadda Soomaaliyeed la qeybsanayaan in Jawaari si sharci darro ah Mooshinka ugu hayo Xafiiskiisa muddo ku dhaw labo bil.

Xildhibaanada waxaa ay Jawaari uga digayaan in uu joojiyo go’aanada sharci darrada ah ee iska hor-imaanaya, halisna galinaya wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo sareynta sharciga.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa shaaciyay in berri oo Arbaco ah October 7, 2015 uu furmayo wada xaajoodka Mooshinka sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Jawaari ayaa Xildhibaanada ugu baaqay in ay ka soo qeyb galaan shirkaas oo furmayo Beri 11:00ka Subaxnimo.