U bood dhigaalka

Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ”Xeer Ilaaliyaha Wuu Naga Aqbalay In Degdeg Lagu Sii Daayo Wariyeyaasha Xiran”

Sheeko:Baarlamaanka

War Saxaafadeed laga soo saaray xafiiska Guddoomiyaha  baarlamaanka Federaalka nuqul ka mid ahna ay heshay Goobjoog News ayaa lagu sheegay in  Xeer Ilaaliyaha qaranka uu Guddoonka baarlamaanka ka o ogolaaday in Weriyeyaasha xorriyadooda si degdeg ah ugu celisyo .

War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xildhibaanada arinta ku lugta lahaa arrintooda loo diro Guddiga Xeer hoosaadka iyo Anshaxa iyo Guddi Hoosaadka ilaalinta sumcadda iyo hufnaanta hawlaha Baarlamaanka federaalka si tallabada haboon uga qaadaan.

Waxaa sidoo kale lagu booriyay Milkiilayaasha warbaahinta in ay dhowraan xurmada Saxaafadda, tixgaliyaan danta iyo wanaagga guud ee qaranka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in Xildhibaanada aanay dadka caadiga ka duwaneyn marka laga reebo xasaanadda uu dastuurka siiyay oo ah in in aysan dhibaato ka soo gaareyn Xildhibaanka fikir uu ka dhiibtay golaha shacabka iyo guddiyadiisa sida ku qoran qodobka 70-naad ee dastuurka.

Ugu Dambeyn War Saxaafadeedka waxaa  Saxaafadda looga digay in ay tabiyaan warar Xanaf leh ama Xasarad kicinaya ama dhaawacaya danaha bulshada.