U bood dhigaalka

Xildhibaan Goodax “Kama Qeybgali Donno Wada Hadalka Mooshinka Aan Ka Keennay Madaxweynaha”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in marnaba aanay ka qeygali doonin kulanka wada hadalka ee looga arrinsanayo mooshinkaasi.

Goodax oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in gudoomiye Jawaari uu hareer maray sharciga, islamarkaana uu adeegsanayo awood uusan shaqo ku lahayn, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shirka uu gudoomiyaha sheegay inuu qabanayo bisha 7-deeda ee maanta ah, dabcan waxay ku saleysneyd in aqbalaad ay jirto Labada dhinaca, dhinaca xildhibaanada mooshinka xil ka qaadista ka keenay madaxweynaha iyo Madaxweynaha, Labadaas dhinac inay ogolaadaan bay ku xirneyd, annaga waan diidnay, waxaan ku sababeynay in gudoomiyaha uusan awood u lahayn in mooshinka yiraahdo waa la afjaray”

“Sidaad la socotiin mooshinka waxa uu ku af jarmayaa Laba Arrin oo kaliya, in maxkamadda awoodda u leh loo gudbiyo, maxkamadda ay tiraahdo mooshinkaan sal malahan, iyo in maxkamadda ay intay soo gudbiso baarlamaanka kusoo celiso, baarlamaanka markaas loo waayo codkii, Seddax Dalool Laba loo waayo, Labadaas kaliya ayuu ku afjarmi karaa, gudoomiyaha marka awoodaas malahan, meesha uu ka keenay isaga ayaa yaqaano, sharci darro wax ah ayuu ku dhawaaqay, iyada laftirkeeda ayaa waxay tahay waxyaabaha madaxweynaha lagu eedeynayo, maxaa yeelayo awood uusan lahayn qofka inuu isticmaalo ma ahan, waxa Dastuurka loo sameeyay oo awoodaha hay’adaha dowladda, Garsoorka, Sharci dejinta iyo fulinta awoodahooda loo kala qeexay ayeey ka mid tahay, marka gudoomiyaha cidda shirka uu u qabanayo anaga ma naqaan, hadii aynu nahay xildhibaanadii ka keenay mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha shirkaas kama qeybgalayno, bishii lasoo dhaafayna waan sheegnay oo war-saxaafadeed ayaan kasoo saarnay, shalayna sidaas oo kale war-saxaafadeed ayaan kasoo saarnay, waxaan taagannahay xeer jajabka in laga daayo mooshinka, waxa la gudboon wuu yaqaanaa oo waa inuu sameeyaa”

Mar hadii xildhibaan Goodax uu sheegay in aysan ka qeybgalayn shirka looga hadlayo arrimaha mooshinka, ayaan weydiinnay in macquul ay tahay inuu meeshaasi ku fashilmay mooshinkii ay wadeen iyo in kale.

“Mooshinka ma fashilmayo, mana fashilmi karo, nooca fashilma maba ahan, hadaad uga jeedid xildhibaanadii 120-ka lagu sheegay mooshinka ay keeneen ayaaba sharci darro ahaa, waxaadna ku ogaaneysaa inuu sharci darro ahaa gudoomiyaha wuu iskala dhuuntay, hadda wax ka hadlayo ma jirto, mooshin mooshin kale lagama horkeeno sharciga baarlamaanku ma ogola, arrinta hadaad leedahay mooshinkiina dad ka baxay taasna qudheeda waa sharci darro waayo mooshin waa la galaa mana laga bixi karo, sharciga baarlamaanka u yaalla ayaa sidaas ah, waxaad uga bixi kartaa inaad ka codeysid mooshinka oo kaliya, gudoomiyaha hadii ay cadaadis ka tahay ama hadii wixii Soomaalida sameyn jireen ay ka tahayba, waxa uu sameeyay isaga oo cimrigaasi joogo, sharciga yaqaano, waayo arag ah kolley umadda Soomaaliyeed wey daalacaneysaa annagana guriga baarlaaanka ayaan ku sugeynaa” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Goodax.

Sidoo kale xildhibaanka ayaan weydiinnay in mar kale ay la kulmeen guddoonka baarlamaanka, wixii ka dambeeyay markii bishii tagtay ay sheegeen in aysan ka qeybgali doonin shirkaan.

“Gudoonka baarlamaanka Laba warqad ayaan u gudbinay oo war dowlo waraaq ayuu ku yaallaa, Labada warqadood mid waxay ahayd mid siyaasadeed oo aan u sheegayno in siyaasiyan uu qaldan yahay, iyo ficiladiisa saameynta ay ku yeelan doonto siyaasadda Soomaaliya iyo wadanka geedi socodka uu ku jiro, warqadda Labaad waxay ahayd mid dhinaca sharciyadda aad u tilmaamayso oo aan uga digeyno sharci darrada uu sameynayo laftigiisa inay kusoo noqoneyso, marka Labada warqad gudahooda waxaan ugu sheegnay inaan ka qeybgaleynin shirkaasi”

Xildhibaan Goodax ayaan weydiinnay waxa hadda ka xildhibaanno ahaan ay doonayaan, mar hadii ay ka biye diideen wada hadalkii laga geli lahaa mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh.

“Mooshinkaan waxa uu ku dhamaanayaa Insha Allah dariiqa sharciga ah, hadii sharciga lahor istaago waxaa daalacanaaya umadda Soomaaliyeed, waxaa daalacanaaya dunida oo dhan, oo fiirinaaya dariiqa uu leeyahay oo ah in maxakamadda la geeyo ayuu ku dhamaan doonaa, markii aan ogolaannay wada hadalka xikmaddu waxay ahayd in bal wada hadal hadii lagu xalin karo waxa aan sheegnay in aan horta xalinno oo umadda Soomaaliyeed u adeegno, taana waxaa cad in gudoomiyaha cadaadis lagu saaray in aan miis wada fariisan, maxaa yeelay musuqa badan ee ku dhex jira waxyaabaha aan kusoo eedeynay hadii ay ahaan lahayd hantida la lunsaday waxaa dadkii lunsaday ay doorbideen in wada hadal iyo xal aanay ka gelin oo sidii ay u lunsadeen u ahaato, marka taas waaye arrinta diiddan in la wada fariisto, madaxweynaha wuu ka caga jiiday, waana ka laablaabtay, gudoomiyahana hadii cadaadis baqdi gelin tahay, hadii cadaadis siyaasadeed tahay iyo hadii laaluush tahay intaba wax xun buu kula kacay, wixii xumaa ayeey hadda umadda Soomaaliyeed marqaati ka tahay, hadii uu alle idmo dariiqii loogu tala galay ee maxkamadda ahaa ayeey maraysaa annagane sidaas ayaan jecelnahay”

“Mooshinkaan waxa uu ku dambeyn doonaa maxakamad, hantida umadda Soomaaliyeed ee la lunsaday waa qaan aan hareyn, xitaa hadii uu madaxweyne-nimada ka dego waan daba soconeynaa, umadda Soomaaliyeed inta la dhacdo, la’iskala tago waqtigeeda wuu soo dhamaaday”

Hadalkaan kasoo yeeray xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa imaanaya xilli gudoomiye Jawaari uu sheegay in maanta oo ay ku beegan tahay 07-da October 2015 wada hadal laga geli doono mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Goobjoog News