U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Oo Maanta Ansixiyay Siyaasadda Naafada Qaranka

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Siyaasada Dowladda ee Naafada Qaranka, qorshe ku aadan horumarinta dalxiiska oo ay soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska iyo qodobo kale.

Kulanka ayaa ugu horeyntii waxaa looga dooday warbixin la xiriirta qaab siyaasadeedka Naafada Qaranka, waxaana sharaxay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha C/wali Ibraahim Muudey, isaga oo xusay in qorshahan ay ku howlaneed Wasaaraddu in muddo ah, ayna la kaashadeen dad khubaro ah, si loo helo siyaasad dhameystiran oo ku aadan naafada Qaranka.

“Qorshahan waxaan ugu talo galnay inaan ku illaalino xaquuqda dadka Naafada ah, isla markaana loogu helo daryeelkooda, waana qorshe ay Wasaaraddu si gaar ah isaga xil saartay diyaarintiisa” ayuu yiri Wasiirka Shaqada oo ka hadlayay shirka golaha Wasiirada.

Golaha Wasiirada ayaa cod buuxa ku meel mariyay qorshahan, waxaana ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh oo shirka guddoominayay uu ku adkeeyey mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada inay ka shaqeeyaan sidii dadka Naafada ah ay u heli lahaayeen xaquuq dhameystiran oo la mid ah mida dadka caadiga ah, sidoo kalena ay dadka Naafada ah helaan fursadaha shaqo ee hay’addaha dowladda iyo weliba shirkaddaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir ayaa golaha Wasiirada sharaxaad dheer ka siiyay maalinta Dalxiiska caalamka oo ku beegneyd September 27.2015, isaga oo xusay in loo baahan yahay in la horumariyo siyaasada dalxiiska ee dowladda, maadaama ay dowladdaha caalamku ku xiran yihiin dhaqaalahooda dalxiiska.

005 004 003 002 001

—Dhammaad—–