U bood dhigaalka

Howl-Wadeennada Madasha Golaha Wada Tashiga Qaran oo La Magacaabay

Sheeko:Dalka

Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha isla markaana la soo gaarsiiyay Goobjoog New ayaa lagu magacaabay Howl-Wadeennada Madasha Golaha Wada Tashiga Qaran.

Golahan waxaa uu ka kooban yahay 5 Wasiir oo ah wasiirada Federaalka ah sida: Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka, Wasiirka Haweenka  iyo Xuquuqda Aadanaha, Wasiirka Cadaaladda,  Wasiirka Dastuur iyo Wasiirka warfaafinta, waxaa kaloo golahan ku jira min hal wasiir oo ka socda Maamul Goboleedyada iyo Mid hal Wakiil oo ka socda Xafiiska Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Ra’siul Baarlamaanka.

Golahan Magacyadooda halkan ka akhriso: Goobjoog News

  • Cabdirahman Mohamed Xussein: Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka
  • Cabdullahi Axmed Jama: Wasiirka Cadaaladda
  • Xussein Mohamud Sh. Xussein: Wasiirka Dastuurka.
  • Mohamed Abdi Hayir Minister of Information and Tourism, FGS
  • Sahra Cali Samatar: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.
  • Cabdirahman Sheikh Axmed: Wasiirka dhalinyarada iyo Sportiga: Puntland
  • Xussein Yusuf Idow: Wasiirka Madaxtooyada: Galmudug
  • Mohamed Cabdullahi Mursal: Wasiirka Madaxtooyada Koofur Galbeed.
  • Cabdi Cali Rage : Wasiir La Xulay, Jubbaland
  • Mohamed Kenynan, Xafiiska Madaxweynaha
  • Mohamed Omar Mohamud, Xafiiska Ra’isul Baarlamaanka
  • Harbi Ali Kullane, Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Dhinaca kale waxaa isla Bayaankaas lagu Magacaabay Guddi Farsamo oo ka kooban 9 Xubnood:

  • Cabdiqani Abdi Jama, Xafiiska Ra’isul Wasaaraha: Isku Duwaha
  • Zeinab Xassan, Xafiska Madaxeynaha
  • Cabdukadir Yusuf Shil, Xafiiska Ra’isul Baarlamaanka
  • Axmed Abdirahman Hassan, Jubbaland.
  • Mohamed Hagi Nur (Madeer), Southwest.
  • Cabdishakur Mire Ali, Galmudug, Xubin.
  • Mohamud Mohamed Samater, Puntland .
  • La Taliye Farsamo, Qaramada Midoobey .
  • Latalite Farsamo, Qaramada Midoobey.