U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayay Amniga Sh/hoose Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Degmada Afgooye waxaa maanta lagu qabtay kulan Ballaaran oo looga hadlayay amniga guud ee gobalka Shabellaha Hoose, ka dib markii deegaanno badan oo gobalkaasi ka mid ah ay kusoo bateen falalka amni darrada ah.

Kulankani waxaa goobjoog ahaa wasiir xigeenka gaashaandhigga Soomaaliya , Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka S/Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar, taliyaha guutada koowaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, saraakiisha ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo masuuliyiin kale.

Intii uu socday ayaa la isku soo hadal qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan howlgallada ka soconaya gobalka iyo sidii loo qaban lahaa deegaanno ay dib ula wareegeen Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka maamulka gobalka Shabeellaha Hoose Maxamed Shiine ayaa Goobjoog News u sheegay in kulanka la isku afgartay intii uu socday in lala dagaallamo cid walba oo amni darro ka wada gobalka Shabeellaha Hoose.

“Ciidamada gobalka sidii ay amniga u xaqiijin lahaayeen, ula dagaallami lahaayee cadowga iyo sidoo kale in lala shaqeeyo shacabka iyaga oo amnigooda la sugayo ayaa kulanka looga hadlayaa” ayuu yiri Afhayeenka.

Gobalka Shabellaha Hoose meello badan oo ka mid ah waxaa ka dhaca mararka qaar falal amniga ka dhan ah, waxaana dowladda ay sheegtay in ay la dagaallami doonto cid walba oo dhibaato ku haysa dadka shacabka ah.

Goobjoog News