U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland Oo Xukuntay Dad La Sheegay In Lagu Qabtay Maandooriyaha Qamriga

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada Jubbaland ayaa maanta waxa ay xukun ku riday 7 ruux oo ay sheegeen in lagu soo qabtay Maandooriyaha Qamriga oo ay ku dhex iibinayeen xaafado ka mid ah magaalada Kismaayo.

Dadkaan ayaa lagu wada xukumay xabsi Seddax Bil ah iyo sidoo kale min 5-kun oo doolarka Maraykanka ah inay bixiyaan, taasi oo ganaax ah.

Bashiir Maxamuud Xareed oo ah gudoomiye ku xigeenka maxkamadda ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay Kismaayo howlgallo ka sameeyeen, islamarkaana ay soo qabteen raggaan iibinayay maandooriyahaan.

Sidoo kale maxkamadda ayaa sii deysay dad badan oo xabsiga ku jiray, kuwaasi oo ay sheegtay in wax dambi ah lagu waayay.

Goobjoog News