U bood dhigaalka

Xarun Caafimaadka Hooyada Iyo Dhallaanka Ah Oo Laga Hirgeliyay Degmada Baardheere (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Xarun cusub oo lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka ayaa laga furay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo horey dhibaatooyin xaga caafimaad darida ah ay la kulmi jireen hooyada uurka leh iyo dhalaanka, waxaana xaruntani ay noqoneysaa tii ugu horeysay oo muddo 8 sano ka dib laga hergeliyo degmadaasi.

Xaruntan oo ay hirgalisay hay’adda Ganane River Hope Development Organization ayaa baaritaanno caafimaad, daaweyn,Talaal, Nafaqeyn iyo ka warqab ay u fidin doonto haweenka uurka leh ee ku nool xaafadaha degmada Baardheere iyo tuulooyinka ku dhow, oo adeegyada noocani baahi weyn u qaba.

Xafladii lagu furayey Xaruntan Cusub ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baardheere, Odoyaasha dhaqanka, haweenka, Dhallinyarada iyo waxgarad kale oo kasoo jeeda deegaanka , kuwaasi oo soo dhaweeyey Xarunta Cusub ee laga furey gudaha degmada.

Cali Cilmi Cali oo ah Madaxa Mashruuca Ganaane River Hope Development Organization ayaa Goobjoog News u sheegay in xarunta sidoo kale lagu daaweyn doono caruurta shanta Sano ka yar iyo bukaannada qaba cudurrada shubanka, duumada iyo cudurrada kale ee ku dhaca neef mareenka.

Cali wuxuu sheegay in xanuunadaas ay ku badan yihiin bulshada deegaanka, wuxuuna ballanqaaday iney ku dadaali doonaan in adeegyada caafimaad iyo daaweynta ay bixiso xaruntan cusub ay joogto noqon doonto oo aysan hakad geli doonin.

Xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Baardheere oo hadda mudo 2 asbuuc ah shaqeynaya ayaa waxaa maalin walba yimaada 90 qof oo bukaan socod ah, xaruntani ayaa waxay ka mid noqonaysaa ilaa 3 xarumood oo ka furan deegaanka, maadaama isbitaalka weyn ee degmada uu xiran yahay muddo ka badan ilaa 15 sanno.

Hoos ka daawo sawirada

DSC08386 DSC08512 DSC08514 DSC08515 DSC08517 - Copy DSC08520
Goobjoog News