U bood dhigaalka

Mushaar La’aanta Ciidanka oo Hoos Dhigtay Tayada Ciidanka

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaliya ayaa ku guuldareysatay in ay bixiso Mishaaraadka Ciidanka iyo quudintiisa arintaas oo wiiqday dagaalkii Ciidanka dowladda ay kula jireen xarakada Al-shabaab, sidaa waxaa daabacday Wakaaladda wararka ee Reuters.

Labadii Bil ee la soo dhaafay Al-shabaab waxaa ay dowladda iyo AMISOM ka qabsadeen magaalooyin ku yaallo Shabeelaha hoose.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in aan marnaba laga cabsi qabin in Al-shabaab dib u qabsadaan dhamaan dhulkii laga qabsaday 2011-kii wixii ka dambeeyay balse cabsida ay tahay in Ciidanka mishaar la’aan darteed ay goostaan, isbaaro dhigtaan, Laaluush qaataan ama xitaa dagaal gali waayaan.

Arintan waxaa la sheegaa in walaac iyo walwal kala dhex dhigtay dowladda Soomaaliya iyo Deeq bixiyaasha caalamiga gaar ahaan Mareykanka iyo Yurub, kuwaas oo la sheegayo in lacag badan ku bixiyeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.