U bood dhigaalka

Roobabaka El Nino Oo Laga Baqayo In Saameyn Uu Ku Yeesho Qaar Ka Mid Ah Gobalada Dalka

Sheeko:Dalka

Roobabka El Nino ayaa la sheegay in Halis uu ku yahay Soomaaliya ayna saameeyaan dadka Soomaaliyeed qaarkood, kadib qoraal ka soo baxay Qaramada Madoobay.

Roobabkaan oo qaarkood ka socda dalka Kenya, gaar ahaan waqooyi bari dalkaasi ayaa laga cabsi qabaa inay si weyn wax yeello usoo gaarsiiyaan Soomaaliya inta u dhaxaysa October iyo December ee sanadkan.

Cabsi la qabo ayaa ah in roobabkan ay fataahaad dhaliyaan gaar ahaan gobollada ay maraan Labada wabi ee Jubba iyo Shabeelle.

Isku tagga ururada aan dawliga ahayn ee Soomaaliya ayaa soo saaray war saxaafdeed ay kaga digeen in khasaaraha ka dhasha fatahaadaasi ay sii xumayn karto xaaladda nololeed ee dadka dhibaatadu haysato.

War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in dad tiradooda lagu qiyaasay 500 ilaa iyo 900 oo kun oo ka mid ah dadka hareeraha wabiyada ku nool ay waxyeeladu saamayn karto.

Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in Elniinaha sanadkan uu la mid noqon karo kii ugu xumaa ee sanadahan dambe soo maray Soomaaliya oo dhacay todoba iyo sagaashankii.
Goobjoog News