U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyahay Dagaallo Ka Dhacay Degmada Ufurow Ee Gobalka Baay

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay degmada Ufurow ee gobalka Baay, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo aan kaashaneyn AMISOM ayaa qaaday weerarka dagaalka, iyadoo degmada Ufurow ay maamulayeen Xarakada Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyay Laba qof ayaa la sheegay in dagaalkaasi ay ku geeriyoodeen, dhaawacna uu jiro, inkastoo tiro rasmi ah aan lahayn dhaawaca.

Xaaladda ayaa saaka ah mid aad u degan, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan gacan ku haynta degmada Ufurow.

Dhinacyadii ku dagaallamaya degmada Ufurow ee gobalka Baay, weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalladaasi.

Goobjoog News