U bood dhigaalka

Xildhibaanno Kasoo Jeeda Gobalada Waqooyi Ee Dalka Oo Kahor Yimid Madasha Wadatashiga Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin kasoo keedda gobalada waqooyi ee dalka ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxay mar kale ku diideen Madasha Wadatashiga Qaranka iyo shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegeen in marnaba aysan aqbali doonin in la dafiro xuquuqdii ay madashaasi ku lahaayeen Gobalada waqooyi ee dalka, islamarkaana ay diidan yihiin waxa shirkaasi kasoo baxay.

Kulankooda ka dib ayaa War-murtiyeed ay soo saareen waxay ku kaga hadleen arrimo badan, iyaga oo dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ugu baaqay in madasha laga siiyo saamiga la siiyay maamul gobaleedyada kale ee dalka ka jira.

War-murtiyeedka ayaa sidaan ahaa:-

Madasha Midnimada ee Gobalada Waqooyi

Inkastoo duruufaha ka jira dalka Soomaaliya ay weli qalafsan yihiin mararka qaardkoodna walwal xoogan jira, hadana maalinba maalinta ka dambeysa waa kuwo rajo abuuraya oo soo fiicnaanaya.

Walwalkaan waxaa u sabab ah arrimaha ka dhashay geeddi socodka taariikhiga ah ee la marayo iyo talooyinka ku saleysan kala sooca iyo kala takoorka deegaanada Soomaaliyeed ee ku cad war-murtoiyeedka shirkii lagu magacaabay madasha wadatashiga heer qaran ee October 19-keedii ilaa 20-keedii soconayay 2015, kaasi oo la doonayay in loogu gogol xaaro habkii lagu gaari lahaa inay doorashooyin ka dhacaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2016-ka.

Madashaas wadatashiga ergooyinka kasoo qeybgalay waxay ka kala yimaadeen dhinaca koonfureed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa la’iska hortaagay inay kasoo qeybgalaan ergooyinka ka socdaan maamul ahaa ama gobal ahaan ee gobalada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xilligaan kala guurka ah waxaa loo baahnaa in dalka lagu soo dabaalo midnimo, turxaan bixin iyo wadatashi loo dhan yahay.

Ma ahayn in masiirka dadyowga dega gobalada waqooyi la’iska indho tiro amaba lagu raali geliyo cid kale oo haba yaraatee aan xaq u lahayn inay ka taliyaan.

Hadaba ka dib xildhibaanada iyo siyaasiyiinta deegaanada gobalada Waqooyi iyaga oo ku mideysan ilaalinta iyo midnimada iyo sharafta qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, markii ay arkeen duudsiga qayaxan ee lagu daboolayo xaqqa dadka kasoo jeeda deegaanada gobalada waqooyi, lagana qeyb gelin waayay shirkii lagu magacaabay wadatashiga umadda.

Markii ay u cadaatay in dadyowga gobalada waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loola dhaqmay sidii dad aan ahayn muwaadiniin.

Markii ay xaqiiqsadeen in masiirkoodii iyo aayahoodii xaqqa u lahaayeen in ay iyagu ka taliyaan loo diiday, kadibna loo gacan geliyay cid aan ehel u ahayn.

Markii ay hubiyeen in hay’adaha caalamiga ah ee arrimahaan gacanta kula jira ay iska indho tireen xaq daradda lagu sameynayo beelaha deggan gobalada Waqooyi ayna taageereen wadatashiga aan loo dhameyn oo ku tumanaya xuquuqda siyaasadeed ee dadyowga gobalada waqooyi.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeedda gobalada Waqooyi iyaga oo ka amba qaadaya dhibaatooyinkaasi kor ku xusan islamarkaana fulinaya mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta midnimada qaranka iyo xaqqa ay u leeyihiin dadyowga ay u leeyihiin gobalada waqooyi inay iyagu ka taliyaan masiirkood, waxay siyaasiinta kasoo jeeda gobala Waqooyi kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasi oo si buuxda ugu falanqeeyeen dhibaatooyinka cusub ee uu horseedayo shirka madasha, duudsiga xuquuqda dadyowga kasoo jeeda gobalada Waqooyi ee lagu qabtay magaalada Muqdisho October 19-keedii ilaa 20-keedii 2015.

Hadaba annaga oo ah Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta gobalada Waqooyi, waxaan go’aan ku gaarnay.

Midnimada Qaranka

  • In laga wada shaqeeyo kor u qaadista ahmiyadda midnimada oo loo arko inay tahay ajedeyaasha qaran midka ugu muhiimsan, sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 1-aad farqadihiisa 1,2,3 iyo 86-aad farqadiisa 1-aad.
  • In xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo howlwadeenada ku jira dowladda Federaalka Soomaaliya iyaga oo si buuxda ku matalaya dhammaan bulshoweynta kasoo jeeda gobalada waqooyiga ee aaminsan midnimada dalka iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, islamarkaana usoo taagnaa muddo dheer si naf hur leh jiritaanka lama taabtaanka ah ee israacii Midowgii Jamhuuriyadda Soomaaliya.
  • Madashaan midnimo doonka ah waxay si aan gambasho lahayn uga howlgashaa sida ay fagaarayaasha uga muujiso rabitaanka shucuubta gobalada Waqooyi iyadoo kaashaneysa ururuada siyaasiyiinta iyo dhammaan xoogga Soomaaliyeed Koonfur iyo Waqooyiba ee jecel midnimada iyo wadajirka shacabka walaalaha ah.
  • In la garab istaago dadaalka muuqda ee ficilka ah iyo codka u taagan midnimada oo aan wax gorgortan ah ka geli karin iyo in la dhiira geliyo xaqqa dabiiciga ah iyo wanaagga shacabka midnimo doonka ah mudan yahay.
  • In la qabto shirar, dood cilmiyeedyo, qoraallo, hadal jeedin iyo dariiqo kasta oo munaasib ah oo lagu wacyi gelinayo qeybaha bulshada, laguna iftiiminayo ahmiyadda guud ahaanba midnimada dalka.

Cadaaladda Saamiga Talada Qaranka

  • Dalka kasta oo ku dhisan midow iyo israaca gobaladiisa waxaa lagama maarmaan ah inoo dhowro saami qeybsi ku qotoma caadalad iyo sinnaan ka tarjumeysa xaqqa dabiiciga ah ee bulshada ku dhaqan qeybaha dalka ee Midoobay iyadoo la tixgelinayo tabashadii shacuubta laga billaabo 1960, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah iyadoo laga amba qaadayo sida uu waajibayo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalk Soomaaliya in la helo cadaalad lagu wadaago talada masiiriga ah ee dalka, si waafaqsan wadajirka qarannimo iyo himilada shacabka.
  • Inaan marnaba ogolaan doonin, inaan marti ka noqonno ka talinta masiirka iyo aayaha umadda aan matalno ee midnimo doonka ah.
  • Waxaan si buuxda u diidannahay qoraalka lagu magacaabay War-murtiyeedka ee kasoo baxay shirka loogu yeeray madasha wadatashiga qaranka iyo go’aamada uu xambaarsan yahay.
  • Waxaan go’aamada kulankaan iyo qoraallo kale u gudbin doonnaa xoghaynta Qaramada Midoobay iyo dhammaan hay’adaha u dooda dimuqraadiyadda iyo xuquqquda aadanaha.
  • Waxaan ku talineynaa in dowladda Federaalka ah ay dhowrto muwaadiniinta midnimo doonka ah ee gobalada Waqooyi, islamarkaana shirka madasha wadatashiga ay ku yeeshaan saamiga ergooyinka ay xaqqa u leeyihiin, iyadoo aanay jirin cid kale oo uga wakiil ah.

War-murtiyeedkaan waxaa saxiixay xildhibaanno Lixdan ah iyo wasiiradoodi, waadna mahadsanatihiin, ayaa lagu soo gabagabeeyay Warmurtiyeedka.

Goobjoog News