U bood dhigaalka

Doorashada Turkiga: Imtixaan Shacbiyadda Madaxweynaha Recep Tayyip Erdogan

Sheeko:Caalamka

Doorashada Baarlamaaniga ah ee maanta ka dhaceysa dalka Turkiga waxaa ay imtixaan ku tahay shacbiyadda  madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Tayyip Erdogan ayaa doonaya in dalka Turkiga uu ku maamulo presidential state ama Nidaam Ri’aasi ah, kaas oo awoodo badan siinaya Madaxweynaha dalka.

Dadka Cadawga ku ah Erdogan iyo Xisbigiisa Justice and Development (AK) Party   waxaa ay ku andacoonayaan in ninkan uu doonayo Nidaam Islaami ah oo Mayal adag in uu ku xakumo dalka Turkiga.

Xisbgiisa Justice and Development (AK) Party ee Recep Tayyip Erdogan waxaa Turkiga ka talinayey  ilaa 2002-dii, 11 sano ayuu ahaa Ra’isul Wasaaraha Turkiga halka Bishii August 2014 loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo dalkaas.

Waa Kuma Recep Tayyip Erdogan: 

Waxaa uu dhashay 1954, city of Rize oo ku taala Xeebta  Black Sea, Aabihiis ayaa go’aansaday inuu dego Istanbul si caruurtiisa shanta ah ay u helaan waxbarasho.

Yaraantiisii waxaa cabitaan iyo Bajiye ku iibin jiray Wadooyinka Istanbul si uu lacag dheeraad ah u helo, Waxaa uu dhigan jiray iskuulo Islaami ah inta aanu baran cilmiga maamulka Jaamacadda Marmara University ee magaalada Istanbul.

Intii uu Jaamacadda ku jiray ayey is barteen Najmu Diin Arbakaan oo markii dambe noqday R/wasaarihii Islaami ah ee ugu horeeyay dalka Turkiga.

Erdugan waxay markii ugu horeysay sharciga isku dhaceen isagoo ka shaqeeya shirkadda Gaadiidka halkaas ninkii madaxda ka ahaa uu ku armay inuu garka xiiro tiiyoo keentay inuu iscasilo.

Erdugan waxaa uu ku biiray xisbiga Welfare party, waxaa uu noqday duqa magaalada Istanbul 1994-tii ilaa 1998. , Istanbul hor-umar ayuu gaarsiiyay in kastoo dadka cilmaaniyiinta ay ku dhaliileen markii uu xarimay khamriga, sidoo kale waxaa lagu amaanay in aanu aheyn nin musuqa yaqaano arintan uu kusoo jiiray dad badan reer Turkiya ah oo diinta jecel.

Waxaa uu ahaa xubin Baarlamaan mudadii u dhaxeysay 2003 ilaa  2007 Waxaa uu dhalay afar caruur ah, xaaskiisa  Emine Erdoğan.

Erdugan ayaa 10 bil oo xarig ah lagu xukumay kadib markii uu ku gabyay Gabay micnahiisu ahaa” Maajiska waa dhufesykeena, Mu’miniintana waa Ciidankeeda” in kastoo 4 bil markii uu xirnaa lasii daayey.

Xisbigiisa Cadaaladda iyo Hor-umarka ee ardugaan waxaa uu si aglabiyay ku guulaystay doorashadii dhacday 2002-dii dalka turkiga halkaas waxaa ku baxday cabsidii laga qabay Islaamiyiinta.

Waxaa loo doortay R/wasaare dalkaas Turkiga March 14, 2003, Recep Tayyip Erdogan, kadib hor-umarkii uu dalkaas gaarsiiyay ayaa keentay in tobankii bishan loo doorto madaxweynaha dalka Turkiga, maanta la dhaarinaayo.

Bishii August 2014 ayaa loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo dalkaas.

Faahfaahinta Doorashada kala soco, Goobjoog News,