U bood dhigaalka

Madaxda Turkiga oo Ka Codeeyay Doorashada, Kuna Booriyay Dadka in ay Codeeyaan

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, xaaskiisa Emine Erdoğan , Ra’isul Wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoğlu iyo xaaskiisa Sare iyo mas’uuliyiin badan ayaa maanta codadkooda ka dhiibtay doorashada Baarlamaaniga ah ee dalkaas.

Madaxweynaha iyo Xaaskiisa ayaa codkooda ka dhiibtay Magaalada Istanbul  oo halka ay ka soo jeedaan halka Ra’isul Wasaaraha iyo xaaskiisa ay  codkooda ka dhiibteen  Konya.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa ku booriyay shacabka dalkiisa in ay codeeyaan doorashada maanta isagoo intaa raaciyay in aanay jirin dal nabad ah oo labo Xisbi ay hogaamiyaan, taasi oo dadka siyaasadda falanqeeya ay ku tilmaameen in Madaxweyanaha uu shacabka ku boorinayo in xisbigiisa u coodeeyaan.

Xisbiga  (AK) ee dalka Turkiga maamula ayaa shicaar ka dhigtay”Kaligeen ayaa Maamuleyna” taas oo loo fasiran karo in ay doonayaan in xisbigooda uu Xukuumadda soo dhiso markii ay aqlabiyad helaan.

Dalka Turkiga waxaa ku nool ilaa 75 Milyan oo qof, 55 Milyan oo dadkaas ka mid waxa ay u qoran yihiin in ay codeeyaan, doorashadii Bishii June waxaa codeeeyay 54 Milyan oo ah in ka badan %86, Maanta ayaa la filayaa in ay dadka intaa ka sii bataan.

Madaxweyne Tayyip Erdogan ayaa doonaya in dalka Turkiga uu ku maamulo presidential state ama Nidaam Ri’aasi ah, kaas oo awoodo badan siinaya Madaxweynaha dalka.

Dadka Cadawga ku ah Erdogan iyo Xisbigiisa Justice and Development (AK) Party   waxaa ay ku andacoonayaan in ninkan uu doonayo Nidaam Islaami ah oo Mayal adag in uu ku xakumo dalka Turkiga.

Xisbgiisa Justice and Development (AK) Party ee Recep Tayyip Erdogan waxaa Turkiga ka talinayey  ilaa 2002-dii, 11 sano ayuu ahaa Ra’isul Wasaaraha Turkiga halka Bishii August 2014 loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo dalkaas.

Wixii ka soo kordha kala soco Goobjoog News