U bood dhigaalka

Doorashada Turkiga: Wax Ka Baro Axsaabta Ku Tartameysa Doorashada Dalka

Sheeko:Caalamka

Baarlamaanka Turkiga waxaa uu ka kooban yahay 550 Xildhibaan, 276 kursi Xisbigii Keenaa waa Aqlabiyadda, si Dasuurka loo badalo waxaa loo baahan yahay 367 cod, Si Afti loogu dareero waa in la helaa 330 Cod, iyadoo sidaa ay tahay, Erdogan waxaa uu doonayaa in uu Xisbigiisa wax walba isku darsado.

Hadaba, Wax Ka Ogow Axsaabta Ku Tartameysa Doorashada Turkiga:

Justice and Development party (AKP)

Waxaa uu hogaamiyaa Axsaabta  conservative-ka, Waxaa uu hayaa talada dalkaas tan iyo markii uu ku guuleystay  doorashadii 2002.

Hadda waxaa Madax ka aha Ra’isul Wasaaraha dalka Ahmet Davutoğlu xilkaas uu qabtay markii uu baneeyay Madaxweyne  Erdoğan.

Republican People’s party (CHP)

Xisbigan waxaa aasaasay aabihii Turkiga Mustafa Kemal Atatürk sanadkii 1923, waxaa Xisbiga u faca weyn dalka Turkiga, waxaa hogaamiya Kemal Kiliçdaroğlu.

Nationalist Movement party (MHP)

Waa Xisbiga 3aad ee ugu weyn dalka Turkiga, waxaa lagu sheegaa in uu yahay mid siyaasadihiisa ay yihiin Midigta fog, waxaa loogu yeeraa the Grey Wolves, waxaa hogaamiya Devlet Bahçeli.

People’s Democratic party (HDP)

Waxaa la aasaasay 2012kii, waxaana hogaamiya Selahattin Demirtaş iyo La Guddoomiyaha Haweneyda  Figen Yüksekdag, waxaa Xisbi Siyaasadihiisa lagu sheego , waxaa uu xuquuq badan siiyaa haweenka oo gaaraya 50%.

Goobjoog News, Kala Soco wararka doorashada Turkiga