U bood dhigaalka

Imisaa La Diley : Tirada Dadka La Diley Bisha October, 2015

Dalka Soomaaliya oo ay dagaalo ka dhacayeen dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafey ayaa waxaa caadi iska noqdey dilka dadka, gar iyo gardaraba, waxaana intaasi sii dheer in ay aad u yartahay garsoorka ay helaan dadka dhibanayaasha ah ee la diley ama la dhaawacay.

Waxaa laga yaabaa in aan soo wada koobi weyno dhamaan dilalkii dalka ka dhacay, waxaanse halkani kusoo uruuriney inta badan dilalkii dhacay bishii October  2015-ka, intii aan haleelney.

Sida ku cad tirakoobka aan sameyney illaa 145 qof ayaa siyaabo kala duwan dalka loogu diley, halka dad aad u badana la dhaawacay.

Dadka la dilay waxay isugu jiraan mas’uuliyiin xilal sarsare ka hayay dowladda, waxaa jira dad ganacsato ah, culumaa’u diin, haween, iyo saxafiyiin ah, waxaa ku jira haween ka kufsaday iyo caruur siyaabo kala duwan u dhintay.

Waxaa shaxda idiinka muuqan doona in dadka loo yaqaano biro ma geydada ay soo kordhayaan dilalkooda sida haweenka oo kale oo iyagu horaan aanan loo dili jirin, tanina waa walwal cusub oo soo kordhey.

Inta badan waxa ay ku dambeeyaan weedha ah “Koox aanan heybtooda la garanaynin ayaa dilka geysatay”, aad ayayna u yartahay dadka inta fal geystaan caddaalada la hor keeno.

Hadaba xaga hoose ayaan kusoo koobney falalkii dhacay bisha October  oo oo taariikheysan, magacyada dadka la diley iyo waliba meelaha lagu kala diley iyo qaabka loo diley.

Tirada Dadka La Diley ama La Dhaawacay Bishii October 2015 waa 145 halka dhaawaca uu kor u dhaafay 106 qof.

Sooyaalka Dambiyadii Dhacay October 2015: 

 October 4, 2015:Dagaal ayaa ka dhacay degmada Beledxaawo, Inta la xaqiijiyay Laba qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay iska horimaadkaasi, sidoo kalena dad ku dhaw 10 ayaa ku dhaawacmay, dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada maamulka degmada Beledxaawo.

October 4, 2015: Laba ka mid ah Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa wuxuu uu iska horimaad ku dhex maray Suuqa Bakaaraha, Mid ka mid ah labadaasi askari, ayaa ku dhintay iska horimaadka, halka saddex qof oo kalana ay ku dhaawacantay oo uu ku jiro askarigii kale ee qaybta ka ahaa iska horimaadkaasi.

October 5, 2015: Jihad Mohamed oo ah muwaadin u dhashay dalka Yemen, kuna sugan Magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu uu isku gubay afaafka hore ee Xarunta Hay’adda UNHCR ku lee dahay Magaalada Hargeysa.

October 6, 2015: Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in Seddax qof ay ku geeriyootay god laga qodo Carrada oo ku taal deegaanka Laba Dhagax ee duleedka degmada Afgooye.

Dadkaan geeriyooday ayaa la sheegay in hoos ay ugu jireen godkaan oo carrada Dhoobeyda ah laga qodayay, hase ahaatee Lama filaan uu ugu dumay.

October 7, 2015: Weerar lagu qaaday Gudoomiyaha Gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Maxamuud Cali Saleebaan, ayaa xaqiijiyay in laba ka mid ah ilaaladiisii lagu dilay weerarkaasi, halka laba kalana sida uu sheegay looga dhaawacay.

October 7, 2015:  Degmada Wadajir ayaa lagu dilay Liibaan Cismaan Cilmi, oo adeer uu ugu aadan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo nin kale oo la socday, laguna magacaabi jiray C/qaadir Maxamed Yabarow. Yabarow waxa uu ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda Somaliya.

October 7, 2015: Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa xilligii Salaadda Maqrib waxay Degmada Dharkiinley Ee Gobolka Banaadir ku toogteen Nabadoon Isaaq Madaxey, oo ka mid ahaa Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya. Nabadoonka, ayaa waxay rag bistoolado ku hubeysnaa ku weeraren halka loo yaqaano Dabakaayo Madow balse waxaa la sheegay in uu dhaawac soo gaaray.

October 7, 2015: Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in nin hubeysan uu rasaaseeyay nin kale oo shacab ah kaas oo fadhiyay maqaaxi ku taalla magaaladaasi.

Goojooge ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa Goobjoog News u sheegay in ninka la dilay uu markii hore soo gaaray dhaawac xooggan

October 7, 2015: Ciyaartii dhex maraysay labada xul ee Gabiley iyo salal ayaa  sahayatay nolosha wiil dhalinyaro ah.

Ciidamada booliska ayaa rasaas nool u adeegsaday kala kaxaynta taageereyaasha isku dhacay, waxaana lagu soo waramayaa in wiil yar oo ka mid ahaa dadkii u soo daawashada tagay ciyaartaasi uu u dhintay rasaas ku dhacday.

October 7, 2015: Qarax ayaa dhacay, qaraxaan oo ahaa Miino dhulka ku aasneyd ayaa wararku waxay sheegayaan inuu ka dhacay suuqa Xoolaha ee degmada Afgooye.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Afgooye Yuusuf Maxamed ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in qarax uu ka dhacay suuqa Xoolaha ee degmada Afgooye uu ku dhintay Hal Askari, sidoo kale ay ku dhaawcmeen askari kale.

October 8, 2015: Gaari Cabdi Bille ahaa oo ay la socdeen Ciidanka Dowladda Somaliya, ayaa waxa uu laba hablood oo walaalaha ahaa, uu ku jiray duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaano Siinka Dheer. Siinka Dheer waxay ku taallaa wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Hablahan oo da’dooda lagu kala sheegay lix sano jir iyo toddobo jir, ayaa xilligaa gacmaha is haystay, iyagoona goynaayay laamiga, balse uu ku yimid gaarigaasi oo xawaare ku soconaayay.

October 8, 2015: Gaari uu la socday Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa qof ku jiiray Degmada Dharkiinley.

Kolonyo uu la socday Gudoomiyaha oo cararaayay, ayaa qofkan ku jiiray inta u dhaxeyso xaafadda Mac Macaanka iyo Dabakaayo Madow. Gaariga qofkaasi jiiray ayaa ahaa midkii uu la socday Gudoomiyaha.

C/laahi Kaakow oo ahaa ninka la jiiray, ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo shilkaasi ka soo gaaray, waxaana meydkiisa la geeyay Isbitaalka Madiina, oo ku yaala Degmada Wadajir.

October 9, 2015: Wariye C/naasir Xersi Iidle oo ka mid ah Suxufiyiinta degan Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la soo sheegaya in  uu gaari ku jiiray Magaalada, xilli uu ka soo baxay Xarunta Jaamacadda SIU. Wariyaha oo miyir doorsoomay, ayaa waxaa lagula cararay Isbitaalka Madiina.

October 9, 2015: Dagaal Dowladda iyo Al-shabaab ku dhex maray degmada Ufurow ee gobolka Bay waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay Laba qof ayaa la sheegay in dagaalkaasi ay ku geeriyoodeen, dhaawacna uu jiro, inkastoo tiro rasmi ah aan lahayn dhaawaca.

October 10, 2015: Shilal Gaari ayaa ka dhacay Meel u dhaw  magaalada Ceerigaabo, shilalka waxaa uu ahaayeen  gaadiid rogmaday.

Dadka shilalka ku dhintay ayaa lagu sheegay 4 qof, iyadoo sidoo kale dhaawaca uu yahay 14 waxaana xaaladooda ay culustahay Laba ruux.

 October 11, 2015:  Qof lagu dilay Borama, Dhacdadan ayaa timid kadib markii Garoonka kubada Cagta Magaalada Boorama ay ka dhacday rabshado xoogan, ciidamada booliiska ayaan rasaas ku furay dadkii Garoonkaasi ku sugnaa, waxaana rasaastaasi ku dhintay qof shacab ah halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

October 16, 2015: Ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan degmada Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose, ayaa waxaa u suurta gashay in ay awood kusoo furtaan Haweeney macallimad lagu macabaa Judy, waxaana ay ka shaqeyneysay Hay’adda Winldle Trust International oo 12-kii bishaan laga soo qafaashay dalka Kenya, taas oo u dhalatay isla dalkaasi.

Ciidamada Jubbaland iyo kooxdii soo qafaalatay Haweeneydaan ayaa waxaa maray isku dhac, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan Laba ka mid ah kooxdii wax soo qafaalatay, waxaana sidoo kale jirta waxyeelo soo gaartay ciidamada Jubbaland

October 16, 2015: Wararka ka imaanaya Duleedka magaalada Qardho ee Puntland ayaa waxay sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac ay ka dhalatay Ceel-biyood halkaasi ku yaalla oo lagu dagaallamay.

Laba nin oo ka mid ah dadkii Ceelkaasi biyaha ka qaadanayay ayaa la sheegay inay ku murmeen inay biyahaasi ku kala hormaraan, hase ahaatee markii dambe ay gacanta iskula tageen, oo uu dhintay mid ka mid ah raggaasi, halka mid kale dhaawac uu soo gaaray.

October 16, 2015: Maamulka deegaanka Mareerey ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in wadada isku xirta deegaankaasi iyo degmada Afgooye lagu kufsaday 5 Haween ah 24-kii Saac ee lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha deegaankaasi Sayid Baalle Mayow oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in amniga wadadaasi oo maalmihii ugu dambeeyay soo hagaagayay ay hadda dhibaato ka billaabatay.

“Shan Haween ah ayaa lagu kufsaday Jidka Mareerey iyo Afgooye u dhaxeeya, waxay u dhaxeeyaan Haweenkaan 25 sano jir ilaa 30 sano jir, shacab badan ayaa la jirdilay ka dib markii gaadiidkooda la leexsaday” ayuu yiri gudoomiyaha.

October 18, 2015: Dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Masalle-Adduun oo hoos-taga degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kaasoo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ay ka dhasheen.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Maxamed (Canjeex) ayaa xusay in dagaalkan ay qaadeen ciidamada dowladdu Somalia kuwaasoo uu sheegay in ay xoogaga Al-shabaab kala soo wareegeen xoolo ay dadka deegaankaas ku nool ka ururiyeen, isagoo intaa raaciyay in dagaalkaas ay ku dileen lix xoogagga Al-shabaab ka tirsan, ayna kaga dhaawaceen tiro kale.

October 18, 2015: Kooxo hubaysan ayaa waxa ay Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir ku dileen Wiil dhalinyaro ah oo ka shaqeynaayay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, horayna uga soo shaqeeyay Wasaarada Amniga Dowladda Federalka Somaliya.

Ciise Beyle ayaa ka mid ahaa Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde.

October 19, 2015: 14 qof ayaa ku dhimatay dagaal labo beelood ku dhexmaray Galbeedka Magaalo madaxda gobolka Hiiraan ee Beledweyn, halka 20 kalana ay ku dhaawacantay. Dhaawacyada waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Baladweyne.

Dagaalka oo la sheegay inuu ka dhashay lacag canshuur ah oo mid ka mid ah dhinacyada iska-horimaadku dhaxmaray weydiisatay gaari xamuul ah oo waqtigaa ku sugnaa suuqa xaafadda Howl-wadaag ayaa ku fiday guud ahanba qeybaha ay xaafadda ka kooban tahay

October  20, 2015:  Weriye Axmad Muuse Sakaaro ayey  dabley hubaysani ku garaaceen magaalada Burco ee gobolka Togdheer, Weriyaha waxaa soo gaaray dhaawac arintaas waxaa dibad bax ka dhigay Warireyaasha gobolka

October 20, 2015: Afar caruur ah ayaa ku geeriyootay roobab xoogan oo 24-kii saac ka da’ay deegaano ka tirsan Gobolka Jubadda Dhexe ee Koonfurta Somaliya. Sidoo kale roobabka ayaa ka da’ay Gobolka Gedo deegaano ka tirsan, gaar ahaan Degmada Baardheere oo xaafadaha qaar ay ku soo fataheen daadad ka dhashay roobka xoogan ee da’ay.

October 21, 2015: Nin Mu’adin ka ahaa Masaajid ku yaala Magaalada Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu toogtay oo lagu dilay Magaaladaasi.

Dilka oo habeen dhacay, ayaa waxaa baxsaday raggii dilay Mu’adinka, kuwaa oo aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo aqoon cidda ay ka tirsan yihiin iyo halka ay u baxsadeenba.

Mu’adinka waxaa lagu magacaabi jiray Farxaan Maxamed Jimcaale, waxa uuna ka mid ahaa dadka deegaanka ah, iyadoona laga garanaayay Magaalada Caabudwaaq.

October 25, 2015: Ciidanka Kenya oo lagu Magacaabo Col David Obonyo ayaa sheegay in ay dileen 15 qof oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, Ciidanka ayaa sheegay in howlgalkaas uu ka dhacay degmda Jilib, Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ay dadkaas ay laayeen ay doon isaga gudbayeen wabiga labadiisa dhinac, Goobjoog News arinkaas uma suurogalin in ay xaqiijiso.

October 24, 2015: Mid ka mid ah Ciidamada Jabuuti ee degan Magaalada Baledweyne, ayaa waxa uu laba askari uu ku dilay Xerada Ceeljaale oo 3km u jirta Xarunta Gobolka Hiiraan.

Askarigan oo tuhun laga muujinayo in madaxa looga jaray, ayaa rasaas xoogan oodda kaga qaaday Ciidamadii Jabuuti ee Xeradaasi kula sugnaa, waxaana la xaqiijiyay in laba ka mid ihi uu dilay, halka laba kalana uu dhaawacay.

Wararka qaar waxay sheegayaan in askarigaasi la dilay, halka warar kalana ay sheegayan in isaga uu is toogtay, ka hor intii aynaan dilin Ciidamadii kale ee wehlinaayay Xerada Ceeljaale.

October 24, 2015: Gawaarida Ciidanka Amisom oo xoog ku mara wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ay jiireen nin dhegaha la’, xilli uu maraayay meel ku dhow Garoonka Aadan Cadde.

Gawaarida Amisom oo ku sii jeeday Xaruntooda Xalane, ayaa waxay damceen inay ka cararaan dhibanaha, balse waxaa ka daba qayliyay oo eryaday dad goobtaasi ka dhawaa, taa oo sahashay in Amisom ay qaado dhibanaha.

October 25, 2015: Qof Bajaajley ah ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, Beerta Jaadka, Askari ka tirsan ciidanka amaanka

October 26, 2015: Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu Magaalada Muqdisho uu ku dilay mid ka mid ah darawalada mooto bajaajka ee ka hawlgala Caasimadda. Askariga, ayaa wuxuu ninkaasi uu ku dilay Isgoyska Sayidka Ee Degmada Hawlwadaag, ka gadaal markii uu murun soo kala dhexgalay, dilkaas kadib  Bajaajley ayaa Dibad Bax ka dhigay  KM4 lakin Booliiska ayaa kala diray.

October 27, 2015: Maleeshiyo wadatay labo gaari oo Tikniko ah ayaa dishay qof darawal ahaa, dilka oo ka dhacay agagaarka K4 waxaa ay xabad ku fureen dawalba markii uu diiday amrkooda oo ahaa in uu Gaariga Istaajiyo.

October 29, 2015: dagaal ayaa dhacay Galgaduud gaar ahaan Qaayid: Aano hore iyo Dhul ayaa la isku dagaalay, qof ayaa markii hore la dilay kadib 3 ayaa la dilay, galabtiina waxaa dhacay, guud ahaan 13 qof ayaa ku dhimatay 11 qof ayaa sidoo kale dhaawactay, Dhaawacyadii ayaa la dhgigay Xiin Dheere, Galhareeri iyo Cadaado.

October 31, 2015: Gudoomiyaha Degmada Xudur, Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegay dagaal ka dhacay duleedka Xudur, waxaana ka helnay buu yiri dhaawacyada shan nin oo nabadiidka ka tirsan, kuwaa oo kolkii dambe sida uu sheegay la dilay.

Sidoo kale khasaaraha guud ee dagaalkaasi ka soo gaaray Shabaabka, ayaa wuxuu ku sheegay 55 nin iyo dhaawacyada 20 kale, halka Ciidamada Dowladda looga dilay sida uu sheegay 5 askari, halka 8 kalana looga dhaawacay.

October 31, 2015: Ciidamo ka tirsan Millateriga Dowladda Federalka Somaliya, ayaa waxyeelo ka soo gaartay qarax miino oo sida la sheegay lagula eegtay goob maqaayad ah oo ciidamada ay ku sugnaayeen xalay fiidkii.

Qaraxan ayaa ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay, waxaana wararka ay sheegayaan inay ku dhaawacmeen ugu yaraan 5 ruux oo isugu jiray dad shacab ah iyo ciidamo ku sugnaa goobta maqaayada.

Goobjoog News