U bood dhigaalka

Ciidamada Liyuu Booliis Oo Lagu Eedeeyay Inay Dileen In Ka Badan 20 Qof Oo Shacab Ah

Sheeko:Dalka

Nabadoon Deeq Cabdi Rayid oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in maalintii shalay ahayd ay ciidamada Liyuu Boolis ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya dileen dad shacab ah oo reer guuraa ah, kuwaasi oo ku sugnaa deegaan ku dhaw xadka ay wadaagaan Labada dal, gaar ahaan dhanka gobalka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in ciidamadaan ay dileen 23 qof oo isugu jira Haween, caruur iyo sidoo kale dad da ah waa sida uu hadalka u dhigaye, maanta la wado aaska dadkii la dilay.

Dadka la dilay ayuu sheegay in loogu tagay halkii ay deganaayeen iyaga oo jiifa, deegaankaasi oo lagu magacaabo Laga-hidda.

Waxa uu tilmaamay in hadda la’isku hub uruursanayo islamarkaana laga sii baqayo in uu dhacdo dagaal.

“Ciidamada Liyuu Booliis ayaa shacab gumaaday, waxay dileen shalay 23 qof oo reer guuraa ah, Haween Caruur iyo Odayaal ay ku jiraan, hade maanta waxaa la aasayaa Meydadkii, waxaana socda weli isku hub uruursi” ayuu yiri Nabadoon Deeq.

Dhinaca kale Nabadoonka ayaa ugu baaqay dowadda Federaalka Soomaaliya in ay soo fara geliso arrintaan, islamarkaana ay la xisaabtanto dowladda Itoobiya, maadaama ciidamadaasi ay iyaga hoostagaan.

Goobjoog News