U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Ka Dooday Darbiga Kenya Ka Dhiseyso Xadka Ay La Wadaagto Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah waxay ka yeesheen arrinta ku aadan darbiga ay Kenya ka dhiseyso halka Labada dal ay xuduuda ka wadaagaan iyo sidoo kale arrinta ku saabsan in derbiga laga dhisayo gudaha Soomaaliya.

Waxaa kulanka maanta shir gudoominayay gudomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar, iyadoo xildhibaanada ay dhammaantood ka wada sinnaayeen dareenka diidmada ah ee darbigaasi.

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka mid ah mudanayaashii arrintaan ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad Soomaali ah oo gacan siinaya dowladda Kenya si loogu xalaaleeyo arrinta ku aadan badda.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in marnaba aan loo dulqaadan doonin in Kenya ay kusoo xadgudubto dhulka Soomaaliyeed, isaga oo xusuusiyay xildhibaanada baarlamaanka iyo guddoonka intaba diidmadii baarlamaankii KMG ahaa ee ku aadanaa arrimaha heshiiska Badda.

Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa u sheegay xildhibaanada inay leeyihiin awoodda ah la xisaabtanka wasaaradaha ku shaqada leh arrinkaasi, sida Arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha, kuwaasi oo la weydiin doono waxa ay kala socdaan arrinkaasi, hadii jawaabtooda lagu qanci waayana loo gudbin doono Ra’iisul wasaaraha.

Waxa uu gudoomiye ku xigeenka sheegay in arrimahaan ay maalinta berri ah ka shiri doonaan guddonka baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale guddiyada Arimaha dibadda iyo kan gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxgarad ku sugan degmada B/xaawo oo 10-kii bishaan la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen in Kenya ay darbiga dhismahiisa ka billaabayso gudaha degmadaasi (Riix halkaan).

Goobjoog News