U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Ka Hadlay Darbiga Ay Kenya Ka Dhiseyso Degmada B/xaawo

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay si kulul uga hadlay darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan kusoo xad gudubtay degmada B/xaawo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jubbaland Maxamed Faarax Darwiish ayaa sheegay in marka hore ay ka xunyihiin waxa ay Kenya ku kacday, isaga oo tilmaamay in ka maamul ahaan aanay arrintaasi ka jiifin.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamo Kenyan ah ay yimaadeen degmada B/xaawo, halkaasi oo ay ka billaabeen in ay qodaan iyaga oo doonaya inay darbi ka dhistaan degmada B/xaawo.

Waxa uu xaqiijiyay in Seddax Kiilo Mitir ay kasoo gudbeen xadkooda, islamarkaana ay ka maamul ahaan la xiriireen mas’uuliyiintooda ku sugan gobalka Gedo iyo ciidamada amniga Jubbaland.

“Ciidamada amniga Jubbaland, gudoomiyaha degmada B/xaawo, iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaan la hadalnay, waxaan u sheegnay inay degdeg arrinkaasi uga hadlaan, islamarkaana wax uga qabtaan, muujiyaanna inaysan marnaba raali ka ahayn wax socda” ayuu yiri wasiirka.

Kenya oo dhawaan sheegatay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya ayaa hadda waxay billawday in ay kasoo tallaabto xuduudii Labada dal horay loogu kala dhigay, xilli Kenya lagu tabayo dhulka NFD.

Goobjoog News