U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Kulbiyow Ee Jubada Hoose Oo Ka Warbixiyay Amniga Deegaankaasi

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha deegaanka Kulbiyow ee gobalka Jubada Hoose Maxamed Maxamuud Ismaaciil oo la hadlay Idaacadda Goobjoog, ayaa ka warbixiyay amniga guud ee deegaankaasi.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in amniga Kulbiyow uu haatan yahay mid la’isku haleen karo, isaga oo hoosta ka xariiqay in ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay sugaan amniga deegaankaasi.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in maalin walba ay ciidamada Jubbaland howlgallo ka sameeyaan deegaanka Kulbiyow, si loo helo amni iyo kala dambeyn waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Kulbiyow waa amni, waxaan sameynnaa howlgallo ballaaran oo habeen iyo maalin ah, shacabka si nabad ah ayuu ku deggan yahay, kuna shaqeysanayaan” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dhinaca kale Gudoomiye Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay ka war qabaan deegaanno ku dhaw Kulbiyo oo ay ku dhuumaaleysanayaan Xarakada Al-shabaab, balse ay ku wajahan yihiin deegaanadaasi.

“Waxaan la soconnaa nabad diidka inay ku gambanayaan deegaanno ku dhaw Kulbiyow, laakiinse ha ogaadaan meel aan uga hareyno ma jiraan” ayuu hadalkiisa ku daray Gudoomiyaha.

Deegaanka Kulbiyow ayaa ka mid ah deegaanada gobalka Jubada Hoose ee lagala wareegay ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News