U bood dhigaalka

Hoos u dhac Ku Yimid Qiimaha La Kala Siisto Dahabka Ee Suuqyada Magaalada Muqdisho

Sheeko:War

Hoos u dhac ayaa xilligaan laga dareemayaa qiimaha la kala siisto dahabka ee suuqyada magaalada Muqdisho.

Ganacsatada dahabka ee magaalada Muqdisho, ayaa hoos u dhacaan ku yimid qiimaha dahabka lagu iibiyo waxay ku sheegeen dahab badan oo maalmahaan dambe soo galay suuqyada magaalada.

Dahabka loo iib keeno suuqyada Muqdisho ayaa waxaa laga kala keenaa dalal badan oo ay ka mid yihiin Sucuudiga, Singapore, Imaaraadka iyo wadamo kale.

Farxiyo Maxamed Aadan waxay ka mid tahay ganacsatada Dahabka ku iibisa Suuqa Degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho, waxa aynu kula kulannay goobteeda ganacsiga innaga oo wax badan ka weydiinnay isbedalka qiimaha lagu iibiyo dahabka.

Waxa ay sheegtay Farxiyo in hadda Dahabka nuuca la yiraahdo Singapore uu marayo halkiisa Garaam 34 doolar, midka Dubai 32 doolar, Jidda uu marayo lacag dhan 33 doolar.

Dhanka kale Farxiyo  ayaa sidoo kale inoo sheegtay in saameyn adag uu ku yeesho ka ganacsiga marka qiimaha dahabka uu hoos u dhaco, madaama uu horay ugu yaallay mid qaali  ka gadan dantuna ay ku qasabto in ay isku mid ka dhigaan Dahbkii hore ee qaaliga ugu fadhiyay iyo midka dambe ee qiimahiisu jabnaa halkaasina ay khasaaro kala kulmaan.

W/D:- Wariyaha Ganacsiga Goobjoog Xasan Kaafi Xaaji

Goobjoog News