U bood dhigaalka

Facebook: Faa’ido Lagu Raadinayo Argagax Gelin!

Facebook oo sanadihii ugu dambeeyay kaalmaha hore kaga jiray baraha ay bulshada iskula xiriirto, ayaa hadana waxaa jira waxyaabo badan oo dadku u adeegsadaan.

Samaan iyo wanaag, qofba waa sida uu u isticmaalo, balse marka loo eegayo Soomaalida adeegsata Facebook, qaarkood ayaa maalmahan dambe sameynayay arrimo dad badan su’aalo ka keeneen, waxaana dadkani intaasi ku raadinayaan inay ku helaan Like, Share ama wax la mid ah.

Waa sawirka qof Yurubiyan ah oo aqrinaya kitaabka qur’aanka waxaa la soo dhigay barta facebook-ga waxaa lagu soo qoray walaal ceeb miyeey kugu aheyn inaad dhaafto adigoon Like saarin isla markaana sharegareyn.

Qof kale ayaa soo dhigay Sawir u eg qabriga Nabiga CSW waxaa lagu soo dul qoray waa Qabriga Nabigeenna Mohamed Oo Lanadifinayo Hadaba Walaal gaarsii 10 qof waxaad heli doontaa toban wax oo aad ku faraxdo haddii kalena waxaad arki doontaa toban wax oo aad ka murugooto!.

Mid kale ayaa soo dhigay Meeqa Muslim ayaa Online ah Fadlan ha dhaafin Sawirkan Quruxda badan adoon soo qorin Allahu Akbar, sawirkaasi la tilmaamayo waa qof salaad ku jira oo ay dul taagan yihiin askar israa’iiliyiin ah.

Sidoo kale qof kale ayaa facebook-giisa kusoo qoray Ma jeceshahay Nabiga Yes or No oo uu ula jeedo Haa ama maya mid dooro.

Qof kalena wuxuu soo dhigay Oraah ah Ma heli karnaa 800 oo qof oo ku salissa Nabigeena Muxummad Nabad Galyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee.

In badan ayay dadku is weydiinayaan Maxaa ka dhab ah arrimahan Diinta islaamka loo nisbeynayo ee kaliya lagu arkayo baraha bulshada gaar ahaan facebook?

Dadka qaar iyaga oo aan heysan xaqiiqooyin iyo daliilooyin cad cad oo ay arrimahan u tiiriyaan ayay si indho la’aan ah u aqbalaan oo wixii lagu qasbay oo like, share ama comment ahna si degdeg ah ugu boobsiyaan wixii lasoo dhigay si aysan ula kulmin cuqubo diimeed, halka kuwo kalena ay ka gaabsadaan iyaga oo aan faham buuxa ka heysan waxa ay diintu ka qabto arrintan laakiin si uun u dareensan in aysan raad ku laheyn diinta islaamka.

“Magacaygu waa Abuukar C/laahi Jabriil, aniga markaan arko waan ku salliyaa, hadii Like saar la dhahana waan saaraa, waayo dambi ayaad ka heli kartaa”

“Magacaygu waa Faadumo Ibraahim Macow, walow aan culimo ahayn, hadana waxay ila tahay in laga fiican yahay in la dhaho saas sameen oo waxbaad helaysaa, hadii aadan sameynna musiibo ayaad la kulmeysaa”

Farriin diinta loo nisbeeyey oo lasoo dhigay facebook in go’aan cad laga qaato oo la aqbalo ama la diido waa arrin culus oo daliil u baahan.

Sheekh Ibraahim Qunjur waa mid ka mid ah Culuma’udiinka magaalada Muqdisho waxaanu hordhignay waxa ay diinta islaamku ka qabto waxyaabahaasi Facebook lasoo dhigayo.

“In warqad ama fariin qoraaleed lasoo diro oo Facebook lagu soo baahiyo, taasi oo sheegaysa, warqaddaasi waa inaad gudbiso hadii aadan Seddax maalin gudahooda gudbinna caqabado iyo dhibaatooyin baa kula soo gudboonaan doona, hadii aad gudisana kheyr badan baad heli doontaa, taasi waxay ka dhigan tahay qofka inuu sheeganayo aqoonista waxa imaan kara, waxa aan Allah waajibin inuu waajib ka dhiganayo, isaga oo tiro mucayin ah qabsanaya sida 900 qof, marka waxaan leenahay taasi waxay ka mid tahay bidcooyinka”

Maxamed Xasan Diinooz waa mid ka mid ah dadka facebook sida joogtada ah u isticmaala isla markaana saameyn xooggan ku leh qoraalada iyo sawirada uu soo dhigo waxay ka mid yihiin kuwa loogu fal-celinta badan yahay, waxaan weydiiyey maxaad ku sameysaa marka aad aragto qof saaxiibadaada facebook ka mid ah oo soo dhigay walaal ha dhaafin adigoon soo qorin allaahu akbar, ama ku Sali nabiga NNKH.

“Waxaas wax oo diin shaqo kuleh ma ahan, wax dareen ku shaqeynayo iyo laab lakac waaye, Muslinnimo jaceyl kama aha nee waa shey ay dad iska sameysteen, aniga kolley wax badan waan ka waaniyay dadka micnaha inaysan sidaasi sameyn, aniga Like ma saaro, mana shar gareeyo sababta aan u dhaafana waxay tahay, wax diin ku shaqo leh ma ahan”

Hababka kala gedisan ee ay dhalinyarada Soomaaliyeed inta badan u adeegsanayaan Barta facebook ayaa wax badan ka duwan sida ay aheyd in looga faa’ideysto

Face-book sida qeybaha kale ee warbaahinta ayuu u yahay seef Laba af leh, haddii la doonana wanaagga iyo kheyrka lagu faafin karo haddii kalena sharta iyo xumaanta, sidaasi darteed waa lagama maarmaan in dadka dhalinyarada u badan ee facebook isticmaala ay ka faa’ideystaan wanaagiisa iyagoo intiisa xunna ka tagaya ama iska tuuraya.

WD:- Bashiir Maxamuud Wehliye

Goobjoog News