U bood dhigaalka

Faah Faahin Horudhac Ah Oo Laga Helayo Dagaalka Ka Socda Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa saaka ka billawday xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wariyaha Goobjoog News ee magaalada Gaalkacyo Cali Cayn ayaa soo sheegaya in dagaalkaan oo xooggan ay ku dhinteen Seddax qof oo dad shacab ah ay ku jiraan, sidoo kalena uu arkay dhaawaca Afar qof kale.

Rasaas xooggan ayaa la maqlayaa, iyadoo Labada dhinac la sheegay in ciidamo kale ay ku kala biireen.

Xaafadda Garsoor shacabkii deganaa qaarkood waxaa u suurta gashay in halkaasi ay ka barakacaan, halka qaar kalena la sheegay in ay ku go’doonsan yihiin guryahooda.

Weli waxaan inoo suurta gelin inaan qadka taleefanka ku helno mas’uuliyiinta gobalka Mudug ee maamullada Galmudug iyo Puntland.

Sida warar ay sheegayaan dagaalkaan ay ka billawdeen isku qabsi wado la sheegay in la dhisayay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News