U bood dhigaalka

Imisaa La Diley : Tirada Dadka La Diley Bisha November 2015

Dalka Soomaaliya oo ay dagaalo ka dhacayeen dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafey ayaa waxaa caadi iska noqdey dilka dadka, gar iyo gardaraba, waxaana intaasi sii dheer in ay aad u yartahay garsoorka ay helaan dadka dhibanayaasha ah ee la diley ama la dhaawacay.

Waxaa laga yaabaa in aan soo wada koobi weyno dhamaan dilalkii dalka ka dhacay, waxaanse halkani kusoo uruuriney inta badan dilalkii dhacay bishii November  2015-ka, intii aan haleelney.

Sida ku cad tirakoobka aan sameyney illaa 152 qof ayaa siyaabo kala duwan dalka loogu diley, halka dad aad u badana la dhaawacay.

Dadka la dilay waxay isugu jiraan mas’uuliyiin xilal sarsare ka hayay dowladda, sida Xildhibaano, Saraakiil, waxaa jira dad ganacsato ah, culumaa’u diin, haween, iyo saxafiyiin ah, waxaa ku jira haween ka kufsaday iyo caruur siyaabo kala duwan u dhintay.

Waxaa shaxda idiinka muuqan doona in dadka loo yaqaano biro ma geydada ay soo kordhayaan dilalkooda sida haweenka oo kale oo iyagu horaan aanan loo dili jirin, tanina waa walwal cusub oo soo kordhey.

Inta badan waxa ay ku dambeeyaan weedha ah “Koox aanan heybtooda la garanaynin ayaa dilka geysatay”, aad ayayna u yartahay dadka inta fal geystaan caddaalada la hor keeno.

Hadaba xaga hoose ayaan kusoo koobney falalkii dhacay bisha November oo taariikheysan, magacyada dadka la diley iyo waliba meelaha lagu kala diley iyo qaabka loo diley.

Tirada Dadka La Diley ama La Dhaawacay Bishii November 2015 waa 152 halka dhaawaca uu kor u dhaafay 138 qof.

Sooyaalka Dambiyadii Dhacay November 2015: 

November 1, 2015: Qaraxyo ka dhacay Hotel Saxafi, Rag hubeysan ayaa gudaha u galay Hotelka, kuwaa oo tiradooda lagu sheegay 5, waxaana ay hotelka ka dhex dagaallamayeen ku dhawaad 5 saacadood.

Hotelka waxaa deganaa xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, saraakiil ciidan, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale, qaarkoodna xilliga weerarka uu billaabanaya waa ay jiifeen.

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog ayaa goobta dagaalka iyo weerarada Ismiidaaminta ah ka dhacay gaaray, kuwaa oo soo arkay Meydadka 9 qof oo shacab ah, oo uu ku jiro sawir qaade u shaqeynayay TV-ga Al-jazeera, waxaana sidoo kale jiray mas’uuliyiin ku dhintay gudaha Hotelka.

Mas’uuliyiinta dhintay waxaa ka mid ahaa, C/rashiid Shire Il-qeyte oo ahaa Milkiilaha Hotelka Saxafi ee la weeraray, Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon iyo Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal C/kariin Dhega Badan.

Sidoo kale waxaa halkaasi ku dhaawacmay Taliyahii hore ee ciidamada Lugta Jeneraal Cali Caraaye Cosoble Gacma Duulle.

Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxaa la geeyay 27 qof oo shacab ah, kuwaasi oo dhaawac ah, kuwaasi oo qaarkood xaaladoodu ay adkeyd.

November 2, 2015: 10 qof ayaa ku dhimatay dagaal ka dhacay Magaalada Diinsoor oo ka tirsan Koofur Galeed Soomaaliya.

November 2, 2015: 6 qof ayaa ku dhimatay dagaal ka dhacay Magaalada Buulo-Burde ka tirsan gobolka Hiiraan.

November 2, 2015: Xoogag hubeysan ayaa weeraray gaari qaad u waday Magaalada Garbahaarey, gaariga waxa uu qaadka ka soo qaaday Degmada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo.

Weerarkan, ayaa wuxuu ka dhacay Deegaanka Maracadde oo qiyaastii 15km dhinaca galbeed kaga toosan Xarunta Gobolka Gedo, Gaariga ayaa rasaas oodda looga qaaday waxaana halkaasi ku dhintay milkiilihii gaariga.

November 3, 2015: Duleedka Garoonka Bali-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose , waxay Ciidamada Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM ku dileen Qof Rayid ah islamarkaana ay ka Xaysteen Saddex kale.

Qofka dhintay oo ka mid ahaa Dadkii Howlgalka lagu qabtay ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada AMISOM ee Gacanta ku dhigay,iyadoo markii uu cararay kadib ay Ciidamada AMISOM Toogteen,halkaana uu ku geeriyooday.

Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa horay u watay Saddex Ruux oo kamid ahaa Dadkii lagu soo qabtay Howlgalka.

November 4, 2015: Maamulka Jubbaland iyo AMISOM ayaa 2 qof ku dilay duleedka Qooqani, waxaa kaloo tiro kale lagu dhaawacay weerarka oo ka dhacay Qooqaani iyo Qabta.

November 4, 2015: ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay kadib duqeyb ay Ciidamada Kenya ka geysteen duleedka Kismaayo, Ciidamada ayaa xabado iyo hub cululs ku garaacay deegaanka Sab’a-Ashara.

November 5, 2015: Ciidanka Maamulka Galmudug, ayaa waxay xoog ku soo furteen afar nin oo ajaaniib ah, oo gacanta ugu jiray kooxaha burcad badeeda Somalida ee ka hawlgasha Gobolada Dhexe.

Hawlgalkan, ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud, iyadoo afarta nin ee la soo furtay ay soo baxayaan warar sheegaaya inay u dhasheen dalka Iran.

Ciidanka Nabad Suggida Galmudug oo hawlgalkan fuliyay, ayaa ka war helay in ajaaniibtaasi lagu haayo guri ku yaala Magaalada Cadaado, iyadoona ay xalay ugu dhaqaaqeen soo furashadooda.

November 5, 2015: Weerar aya alagu qaaday Maqaayad ku taalla degmada B/xaawo ee gobalka Gedo, taasi oo sababatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Rag watay gaari nooca Suzuki loo yaqaano ayaa la sheegay inay rasaaseeyeen maqaayaddaan oo ku taallay Koontaroolka laga soo galo degmada B/xaawo, waxaana halkaasi ku dhintay 5 qof oo Seddax ka mid ah ay yihiin ciidamada Jubbaland, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

November 7, 2015: Degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dhaawacay Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu marayey meel ku dhaw bacadlaha degmada X/weyne, Xildhibaanka ayaa rasaasta waxay ka haleeshay qeybta sare ee jirkiisa, Xildhibaanka ayaa markii dambe dhaawaca u dhintay.

November 7, 2015: Itoobiya oo dad dishay, Nabadoon Deeq Cabdi Rayid oo ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda deegaanka dilka uu ka dhacay, ayaa sheegay ciidamada Liyuu Booliska si bareer ah inay dadkaasi shacabka ah u laayeen.

Waxa uu sheegay in ciidamadaan inay dileen 23 qof oo isugu jira Haween, caruur iyo sidoo kale dad da’ ah waa sida uu hadalka u dhigay, maanta la wado aaska dadkii la dilay.

“Ciidamada Liyuu Booliis ayaa shacab gumaaday, waxay dileen shalay 23 qof oo reer guuraa ah, Haween Caruur iyo Odayaal ay ku jiraan, hade maanta waxaa la aasayaa Meydadkii, waxaana socda weli isku hub uruursi” ayuu yiri Nabadoon Deeq.

November 8, 2015: Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in goor dhaw darbi uu kusoo dumay barakacayaal ku dhaqan kaam ku yaalla wadada Jeneraal Daa’uud, halkaasi oo la xaqiijiyay inay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhimatay Seddax qof, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan halka ay wax ka dhaceen, iyadoo dadka dhaawaca ah ay caruur u badan yihiin.

November 9, 2015: Ciidamada Dowladda ayaa afar nin oo ku dilay Deegaanka Garasiyaani, Dowladda waxaa ay sheegtay in raggaas Al-shabaab ahaayeen, Ma heyno wax arrinkaas xaqiijinaya.

November 9, 2015: Waxaa Degmada Dharkiinleey lagu dilay Sarkaal ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho. Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay C/laahi wuxuuna la shaqeeya sida wararka ay sheegayaan Shirkada SKA ee ka howlgasha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

November 10, 2015: Kooxo hubeysan, ayaa waxay Degmada Beled Xaawo ku weerareen nin magaciisa lagu sheegay Macaanow, kaasoo ay ku dileen agagaaraha Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Nation Link.

Kooxahaasi, ayaa weeraray Macaanow, xilli uu watay gaari nooca raaxada ah, sidoo kale dembiilayaasha waxay ku baxsadeen gaari kale oo ay wateen, ka dib markii uu falkaasi dhacay.Warar kale ayaa sheegaya in haweeney ay halkaas ku dhimatay

November 11, 2015: ugu yaraan labo ayaa ku dhimatay uu mid yahay Darawalka NGO halka 2 kale ay ku dhaawacmeen kadib markii dalbey ku hubeysan dharka ciidanka dowladda ayaa weerareen gaari ay laheyd hay’ada NGO deegaanka Bujulo Xaawo, ee Gedo.

Dalbey ayaa gaari ku hor gooyay baabuurka oo marayey meel u dhaw suuqa Kaboolay, kadib dadka dilay.

November 11, 2015: Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in rasaas ay ku fureen gaari ay la socdeen Odayaal dhaqameed kusii jeeday degmada Balanballe ee gobalka Galgaduud, halkaasi oo ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay Seddax qof oo ka mid ah Odayaashan ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen rasaastaasi, 3 kalena waa lagu dhaawacay.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Galgaduud Maxamed C/weli Tooxow ayaa soo sheegaya in waxgaradkani ay ka baxeen degmada Guriceel,  waxaana dableyda hubeysan ay u galeen meel ku dhaw degmada Balanbal.

November 12, 2015: Waxaa gelinkii dambe ee maalintaas Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose lagu dilay ganacsade Cali Nuur Shariif (Bangaani), iyadoo ay dileen Ciidanka Maamulka Jubbaland. Ganacsadaha, ayaa waxaa si weyn looga garanaayay Magaalada Kismaayo, wuxuuna ku lahaa bakhaar ganacsi, mana cadda waxa uu salka ku haayo dilkiisa.

November 12, 2015: Magaalada Muqdisho Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda Federalka Somaliya, ayaa waxaa lagu dilay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafada loo yaqaan KPP. Dilka Sarkaalkaan ayaa waxaa ka dambeeyay rag hubaysan oo Bistoolado watay.

November 14, 2015: Dagaal ka dhacay Kismaayo waxaa ku dhintay hal qof halka dhowr kale ay ku dhaawacmeen, Jubbaland ayaa ku bartilmaameedsatay dad ay ku sheegtay Al-shabaab.

November 14, 2015: Koox hubeysan ayaa weerar ku soo qaaday barta ciidanka Nabad Suggida ay ku leeyihiin deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha hoose,

Dagaalka waxaa la sheegay in uu dhintay qof ka tirsan dadkii weerarka soo qaaday, Labo ruux oo shacab ah ayaa sidoo kle ku dhaawacmay dagaalkaasi.

November 14, 2015: Waxaa rasaaseyn ay dhex martay Ciidamo ka wada tirsan Puntland, qaar ka yimid Garoowe iyo kuwo horay u joogay Galkacyo, dagaa; waxaa u dhintay labo askari, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 11 kale.

November 15, 2015: Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa gaari dhaawac waday oo lagu rasaaseeyay gudaha magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Gaarigaan ayaa la sheegay in ruux dhaawac ah uu ka qaaday Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaasi oo loo sii waday Isbitaal halkaasi ku yaallay.

Waxaa la sheegay in ciidan hubeysan ay rasaas ku fureen gaariga, iyadoo halkaasi ay ku geeriyoodeen Afar qof oo ka mid ah dadkii dhaawaca waday, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Shan kale, sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Gaalkacyo.

November 15, 2015: Dhacdo dad badani layaab gelisay, ayaa waxay ka dhacday Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose Ee Magaalada Marka, ka gadaal markii nin askari ahaa uu weeraray maqaaxi ay dhalinyaro fadhisay.

Askarigan oo sida la sheegay ka tirsanaa Ciidanka Nabad Suggida, ayaa wuxuu 10 xabadood uu ku dhuftay mid ka mid ah dhalinyarii fadhisay maqaaxidaasi, iyadoo afar kale dhaawacay

Askariga oo waraaqo kala soo baxay jeebka, ayaa ku duldaadiyay dhalinyaradaasi, waxayna dadka deegaanku sheegeen in waraaquhu ay ku qornaayen “Nimaan aarsan uurka hooyadii ayuu ku jiraa, Goobjoog News oo deegaanka la hadashay waxaa ay xaqiijiyeen dhacdadan iyagoo intaa raaciyay in ninkii la dilay.

November 15, 2015: Waxaa Beledweyn lagu dilay nin caan ahaa, Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Mahdi Xuseen Shiikhaal taasoo madax ka ahaa faraca hay’adda United Nation Mine Action Service ee magaceeda loo soo gaabiyo (UNMAS) ee magaalada Beledweyne.

November 16, 2015: Wararka ka imaanaya degmada Dayniile ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 qof oo shacab ah ay ku geeriyootay nawaaxiga Jaamacadii Gahayr, ka dib iska horimaad halkaasi ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay u badnaayeen barakacayaal, waliba haween ah, waxaana la tilmaamay in halkaasi loogu qeybinayay Kaarar raashiinka lagu qaato.

Qof ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa u sheegay Goobjoog News inuu arkay meydadka 13 qof oo haween u badan.

November 17, 2015: Haweeney degan Magaalada Muqdisho oo magaceeda lagu sheegay Maryan Maxamed, ayaa saygeedii gowracday, ka gadaal markii sida la sheegay uu murun soo kala dhexgalay. Haweeneydan oo laba carruur ah u dhashay marxuumka, ayaa saygeedii ku gowracday Laanta Heegan Ee Degmada Yaaqshiid, xilli uu hurday.

November 18, 2015: Guddoomiye waaxeed ka tirsan Dharkeyley Maxamed Cabdulahi Cumar, Xaaskiisa iyo Labo uu dhalay ayaa gaariga lagu qarxiyay, isaga iyo 3 kale ayaa ku dhaawacmay, waxaa ku jiray qof shidaal iibinayay iyo qof jidka socday.

November 19, 2015: Goor habeen ah waxaa xaafada If iyo Aakhiro ee Degmada Afgooye laga maqlay jugta Qarax xoogan oo dadka Xaafada degan ay aad u dareemeen, waxaana Qaraxaasi uu ka dhacay guri ay deganaayeen ciidan Dowladda ka tirsan iyo masuul ka tirsanaa Maamulka Degmada Afgooye.

Qaraxan oo loo maleynaayo noociisa in uu ahaa miino lagu xiray guriga ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa qaraxaasi ku geeriyootay halka ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo ciidan iyo shacab isugu jira intaba.

Guriga qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa deganaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka Degmada Afgooye, inkastoo aysan waxba soo gaarin isaga.

November 19, 2015: Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Carafaat degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku geeriyoodeen Afar caruur oo walaalo ah, ka dib sun la mariyay jirkooda.

Mid ka mid ah waalidiinta dhalay caruurtaan ayaa la xaqiijiyay in suntan loo yaqaano Dhibta ee la mariyo xoolaha uu caruurtaasi oo shan ahayd u mariyay, balse saaka lasoo toosay Afar caruur ah oo geeriyootay, halka midka kalena xaaladiisu ay aad u daran tahay, loolana carary Isbitaal.

November 19, 2015: Ubax Dhubad ayaa lagu dilay Bakaaraha, waxaa kaloo ciidamada amaanka ay sheegeen in ay dileen ninkii gabadha dilay.

November 21, 2015: Qarax xoogan, ayaa Duhurnimadii maalintaas ka dhacay maqaaxi ku taala Degmada Buulaburde Ee Gobolka Hiiraan, ka gadaal markii qaraxaasi lagu diyaariyay maqaaxida. Qaraxan, ayaa waxaa lala beegsaday dad shacab ah oo maqaaxidaasi ku shaaheeyay, waxaana la’ogyahay dhimashada nin dhalinyaro ahaa iyo dhaawaca saddex ruux,

November 21, 2015: Nin lagu magacaabi jiray Muuse Xuseen C/raxmaan ayaa lagu dilay Degmada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo, ka gadaal markii ay weerareen rag bistoolado ku hubeysan. Raggan oo tiradoodu lagu sheegay laba nin, ayaa waxay marxuumka ku dileen xaafadda Cali Dheere, iyagoona dhawr xabadood kaga dhuftay qaarka sare ee jirkiisa,

November 21, 2015: Waxaa geeriyootay 3 Qof tiro kalana way ku dhawacmeen rasaas Ciidamada AMISOM ay kufureen dad shacab ah oo ku sugnaa Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Rasaastan ayaa Ciidamada AMISOM waxay fureen markii qarax lagula beegsaday Magaalada Marka gaar ahaan bartaha Magaalada.

November 22, 2015: Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Galmudug iyo Puntland, iyadoo lagu soo waramayo inuu sii kordhay khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay 11 qof , waxaana ku dhaawacmay 43 qof oo shacab ah.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Isbitaalkaasi la keenay 43 qof dhaawac ah, 5 caruur yihiin, 5 Haween ah iyo 33 rag ah.

November 24, 2015: Wararka laga helayo degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud, gaar ahaan deegaan duleedka ka ah degmadaasi ayaa waxay sheegayaan in ay halkaasi ku sumoobeen ku dhawaad 10 qof ka dib raashiin ay cuneen.

C/raxmaan Yuusuf Kheyre oo ka mid ah ehlada dadka Sumoobay qaarkood ayaa isaga oo ku sugan Isbitaalka guud ee degmada Cadaado oo dadkani lasoo gaarsiiyay waxa uu Goobjoog News u xaqiijiyay in 9 qof ay ahaayeen dadka Sumoobay, 7 ka mid ahna la keenay Isbitaalka guud ee degmadaasi.

Dadkaan Sumoobay ayaa isugu jira rag iyo dumar, waxaana la sheegay in ay habeen kahor ka wada qeybgaleen goob duco lagu qabay, islamarkaana ay meel ku wada cunteeyeen dadkaan, loona maleenayo raahsiinka ay cuneen ama caanaha in sumeysnaayeen.

November 25, 2015: Degmada Waaberi dhaawac culus loogu gaystay Siyaad Maxamuud C/raxmaan, Agaasimaha Waaxda Sharciyeenta Hubka Ee Wasaaradda Amniga Somaliya.

November 26, 2015: Laba nin oo middi uu ahaa Sarkaal Ciidanka Minishiibiyada ka tirsan, ayaa waxaa intii u dhaxeysay Duhurkii iyo Casirkii lagu dilay Degmada Dharkiinley Ee Galbeedka Magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Cumar Caraale, ayaa waxa Suuq Boocle ku weeraray saddex nin oo bistoolado ku hubeysnaa, iyagoona dhawr xabadood kaga dhuftay qaybaha sare jirkiisa.

Ninka labaad ee la dilay oo Sarifle ahaa, ayaa sidoo kale lagu dilay Suuq Boocle, waxaana dilka ka dib baxsaday rag bistoolado ku hubeysnaa oo dilkiisa gaystay.

November 26, 2015: Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa waxa ay degmada Wadajir, gaar ahaan Suuq Boocle ay ku dileen Laba Nin.

Goobjooge ka gaabsaday magaciisa ayaa u sheegay Goobjoog News, in labada qof ee la dilay ay kala ahaayeen Sarifle iyo askari ka tirsan ciidanka canshuurta qaada ee dowladda Hoose.

“Nimanka la dilay waxay kala ahaayeen askari ka tirsan kuwa canshuurta qaada, mid kalena waxa uu ahaa sarifle laga yaqaano suuq Boocle, waxaa dilay niman Bistoolado ku hubeysan” ayuu yiri Goobjoogaha.

November 27, 2015: Haweeney ninkeeda sun ku dishay ayaa lagu xiray Beledweyn, Ciidanka amaanka ayaa sidoo kale soo xiray Haweeney kale oo ninkeeda dilli rabay iyo wiilal ay sheegeen in ay dulmiyeen.

Ninka dhintay waxaa la sheegay in markii hore sun ay ugu dartay Caano balse aanu cabin, habeen kadib ayey Baastada sun ugu dartay isagana halkaas ayuu ku dhintay.

November 27, 2015: Askar la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa rasaas ku furay gaari rakaab ah oo marayey deegaanka Buurane oo gobalka Shabellaha Dhexe.

Gaarigaan oo ku wajahnaa magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in rasaaastaasi lagu furay, waxaana halkaasi ku dhintay Hal qof, iyadoo dhaawac kale uu jiro.

Qofka dhintay ayaa lagu magacaabaa Abukar Maxamed, waxaana gaariga lagu rasaaseeyay goob la sheegay in gaadiidka lagu baaro sida uu Goobjoog News u sheegay Marxuumka halkaasi ku dhintay walaalkiis.

November 28, 2015: Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa ku waramaya in maalintaas halkaasi uu dagaal ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug, halkaasi oo khasaare nafeed uu ka dhashay.

Iska horimaadkaan ayaa ka dhacay xadka ay Gaalkacyo ku leeyihiin Labada maamul, iyadoo Hal qof uu halkaasi ku dhintay Shan kalena dhaawac uu soo gaaray.

November 28, 2015: Dagaal ayaa mar kale ka dhacay Galkacyo, dagaalka oo labo mar hal maalin dhacay waxaa ka dhacay Khasaare badan.

Dhinaca Galmudug waxaa ka dhintay labo Askari, waxaana ka dhaawacmay ilaa 15 qof halka Puntland ay ka dhinteen 30 Asakri, in ka badan 50 qof ayaa dagaalka uga dhaawacantay dhanka Puntland, sidaa waxaa xaqiijiyay Wariyaha Goobjoog News.

November 28, 2015: Dilal kala duwan ayaa siyaabooyin kala gedisan uga dhacay Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan iyo deeganada ku xeeran, waxaana dilalkaan ay salka ku hayaan falal aargoosi ku saleysan aanooyin qabiil. Afar ruux ayaa la xaqiijiyay in la dilay oo saddex ka mid ah goor habeen ah ayaa lagu dilay deegaan lagu magacaabo Dabayoodle halka ruux kale subax la dilay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Dilalka