U bood dhigaalka

Horumaro Ganacsi Oo Laga Dareemayo Suuqyada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Kororka ganacsiyada la jaanqaadyo Tiknoolajiyadda iminka ay ku shaqeeyaan ganacsiyada wadamada horumaray  ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho, iyadoo xarumo badan oo ku yaalla magaalada ay kusoo badanayaan qalabkaasi oo si aad ah loogu shaqeynayo.

Qaar kamid ah goobaha ganacsi ee hada laga hirgaliyay magaalada Muqdisho  waxay si aad ah ugu shaqeeyaan qalab casri ah kaas oo looga maarmayo habkii markii hore wax lagu kala iibsan jiray.

Qalabyada casriga ah ee dunida horumartay u adeegsadaan xarumahooda ganacsiga ayaa hadda kusoo baahaya Soomaaliya oo muddo ka badan 20 sano ay ka jirtay nidaam kala dambeyn iyo dowladnimo ah.

In qalabkaan Soomaaliya ay soo gaaraan, lagana hirgeliyo dalkii waxaa kaalin qeyn ka qaatay Qurbe-joogta Soomaaliyeed, kuwaasi oo mudooyinkii dambe dalka keenayay waxyaabihii ay kusoo arkeen dalalka shisheeye ee ay ku noolaayeen.

Cabdisamad Nuur Cali waa madaxa suuq geynta dukaan lagu magacaabo Midnimo, waxa uu Goobjoog News u sheegay in iyagu ay hadda isticmaalaan qaar ka mid ah qalabyada casrioka ah sida midka lagu miisaano culeyska alaabta, sheegana qiimaha alaabtaasi joogto.

Waxa uu sheegay in mararka qaar ay dhacdo is faham waa bulshada ka adeegata Dukaankaasi iyo iyaga, taasi oo ku aadan qalabka wax lagu qiimeynayo, ayna muddo fog ku qaadato ka dhaadhicinta qalabkaan.

Dhinaca kale mid ka mid ah dadkii halkaasi usoo Dukaameysi tagay ayaan weydiiyay sida uu u arko qalabkan casriga ah ee aan hada sida fiican usoo gaarin dalka, waxaana uu tilmaamay in qalabkaan uu ka mid yahay horumarada soo hagaayo ee ku aadan dhanka ganacsiga Soomaaliya.

Soomaaliya muddo badan ayaa kusoo jirtay dhibaato badan, hase ahaatee xilligaan waxaa muuqanaysa in dalka uu ka kabanayo wixii hore, islamarkaana hadda la jaan qaadayo horumarada dunida ka jira.

IMG_6965

IMG_6939

IMG_6945

IMG_6953

Goobjoog News