U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland oo Heshiiskii Spectrum iyo Dowladda Federaalka ka dhigtay Waxba Kama Jiraan

Sheeko:Dalka

Qoraal uu December 24-keedii soo saaray maamulka Jubbaland kuna saabsanaa heshiis dhawaan dhexmaray Shirkadda Shidaal baaritsta ee Spectrum iyo Dowladda Federaalka ayey Jubbaland sheegtay in heshiiskaas aan sharci aheyn uu ka hor imaanayo dastuurka dalka.

Warqaddan waxaa la gaarsiiyay sida la sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’isul Wasaare Cumar, Madaxweynaha Jubbaland, Wasaaradda Petrolka Soomaaliya, Shirkadda Specturm , Shirkadda BGP.

Jubbaland oo warqadda ku hesheegtay in Dastuurka dalka 2012-ka uu dhigayo waxbaayaha u gaar ah dowladda federaalka ah sida ku qoran qodobka 54-aad, Kaas oo u qoran sida:

Qodobka 54aad. Kala qaybinta Awoodaha

Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Dawladda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo: A) Arrimaha Dibadda; B) Difaaca Qaranka; C)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso dowladda federaalka.

Jubbaland waxaa ay qabtaa in wixii shidaal iyo kheyraad ku saabsan ay tahay in iyada laga tashto, waxaa kaloo ay sheegtay in kheyraadka ku jira Jubbaland ay xaq u leeyihiin in ay ka faa’ideystaan reer Jubbaland.

Jubbaland waxaa ay soo qaadatay qodobka 51-aad ee dastuurka dalka oo dhigaya Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Qodobka 51aad. Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Heer kasta oo Dawladeed ha ahaadeen heerar siman ama kuwo kala sarreeya waa in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo wanaagsan

(1)         Dawlad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin Dawladaha kale, waana in ay:

(a)        La yeelataa xiriir walaaltinnimo oo wax-ku-ool ah heerarka kale ee Dawladaha, una horseedaa midnimada muwaaddiniinta;

(b)       Heer kasta oo Dawladeed waa in ay ku wargelisaa heerarka kale siyaasadaha iyo hawlgallada ay ka fulineyso degaannadeeda oo saamayn ku yeelan kara degaannada heerarka kale;

(c)        Yeeshaan siyaasado u adeegaya qorshaynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah.

(2)         Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waa in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Dawladda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka si ay isula meeldhigaan:

(a)        Adkaynta Midnimada Qaranka;

(b)       Sugidda ammaanka iyo Nabadgelyada Dalka;

(c)        Horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka;

(d)       Horuumarinta baraaraha shacabka;

(e)        Isdhaafsiga macluumaadka.

(3)         Dhammaan heerarka Dawladaha waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey.

Guddiga Dib-u-habeynta Qabyoqoraalka Dastuurka

(4)         Sharci Baarlamaank Federaalku ansxiyay waa inuu xeeriyo:

(a)        Samaynta hay’ado iyo habraacyo fududaynaya wada falgelidda heerarka Dawladda;

(b)       Samaynta hay’ado habaraacyo fududaynaya xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha heerarka Dawladda inta aanay u gudbin maxkamad.

Ugu Dambeyntii waxaa ay soo jeediyeen in Jubbaland aan shaqo ku laheyn heshiis ku sheegga ay gashay dowladda iyadoo aan lala socodsiin Jubbaland.

Jubbalad waxaa ay soo jeedisay in shirkaddaha shidaalka ka baaraya dhulka Jubbaland ay taxadar muujiyaan kuna laabtaan heshiiska haddii kale ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo.

Shirkadda Specturm ayaa dowladda heshiis shidaal baaris la gashay September 5, 2015.

Goobjoog News

Warbixinta Lama Xigan Karo Iyagoo aan fasax laga heysan Goobjoog News

Mawduucyada:Shidaal