U bood dhigaalka

Taariikhda Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Oo Ku Geeriyooday Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Ugaas Cabdiraxmaan waxaa uu ku dhashay degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1957, waxa uu dugsiga hoose iyo dhexe uu uga baxay iskuulka Indhaceel ee degmada Buuloburde, waxaa uu sidoo kale halkaa ku bartay Qur’aanka kariimka ah.

Ugaas Cabdiraxmaan waxa uu dugsiga sare uu ku dhameeyay iskuulkii Shabelle ee ku yiillay Magaalada Jowhar, intaa kadib waxaa uu waxbarashadiisa kusii qaatay jaamacadii Gaheyr kulliyada xanaanada xoolaha, waxaana uu dhameeyay 1982.

Xiligaa kadib waxaa uu ushaqeeyay wasaaradii xanaanada xoolaha ee Soomaaliya, waxaana uu ka shaqeenayay mudo ku siman 10 sano, waxyaabaha uu xiligaan qabtay waxaa kamid ahaa, inuu ku jiray dhaqaatiirtii loo diray gobolada Soomaaliya si aay u daaweeyaan xoolahii jiranaa.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii waxa uu Ugaas Cabdiraxmaan uu la shaqeeyay Hay’ado ka shaqeeynayay arimaha xanaanada xoolaha oo ay kamid ahaayeen Oxfom Quebec oo laga lahaa dalka Canada iyo Hay’ada Terra Nova oo ahayd hay’ad caalami ah, waxaana uu ka howlgali jiray Gobolada dhexe ee Soomaliya. waxaa uu sanadkii 1992 uu aas aasay ururka xanaanada xoolaha ee Gobolka Hiiraan, waxaa uu sidoo kale sanadkii 1998 uu madax ka noqoday Ururka dhaqaatiirta xoolaha ee CELERBA oo lagu mideeyay ururadii xanaanada xoolaha ee ka jiray bartamaha Soomaliya.

Intii aan ku guda jirnay uruurinta warbixintan waxaa kaloo naloo xaqiijiyay inuu Ugaas Cabdiraxmaan uu gacan yare u ahaa Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa aabaha dhalay Ugaaskan geeriyooday, waxaana la’aaminsan yahay inuu halkaa ka dhaxlay hab dhaqameedkii uu lahaa Ugaas Khaliif.

Ugaas Cabdiraxmaan waxaa ugaasnimada loo duubay sanadkii 2001 waxaana lagu duubay deegaanka Ceeldheer oo u dhaw deegaanka Halgan oo katirsan Gobolka Hiiraan, kadib shirar maalmo ay u fadhiyeen beesha uu ka dhintay ugaas Khaliif.

Ugaas Cabdiraxmaan markii la duubay kadib waxa uu isku howlay inuu wax ka qabto arrimo badan oo ku xeeyndaabnaa dhaqanka dadka uu ugaaska u yahay, waxaana sanadkii 2002 uu aas aasay xarunta agoonta Ugaas Khaliif, oo ilaa hadda lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ee ku nool Magaalada Baladweyne, waxaa kaloo uu isku howlay maslaxadda dadka ku nool Gobolka Hiiraan iyo Goballo badan oo ka tirsan Soomaaliya, waxaa uu sameeyay qabuuro dadka lagu aaso, kuwaas oo ku yaalla Magaalada Baladweyne, buundooyin burburay oo dadku ay ku safraan, garoonka diyaaraha uu gargaar u dalbay si dib u habeyn loogu sameeyo.

Marka laga yimaado aqoonta maadiga ah ee uu lahaa Ugaas Cabdiraxmaan waxaa uu ahaa shaqsi leh aqoonta diinta islaamka islamarkaana hab dhaqankiisa koowaad uu ahaa in dadka uu ku dhaqo diinta islaamka, waxaana mudadii uu hayay hogaanka dhaqan, waxaana uu ka qeyb qaatay joojinta colaado badan oo ka jiray Gobolka Hiiraan, waxa uu sameeyay shirar badan oo ay kamid ahaayeen shirarkii loogu magac daraya SAMADOON1 iyo SAMADOON2 oo hadda markii uu dhimanayay uu mid kamid ah hogaanka u hayay, waxaana lagu xasuusan doonaa nabad jaceyl, in dadka lagu waaniyo diinta islaamka, ka fogaanshaha waxyaabaha dhaawici kara sumcadda.

Ugaas Cabdiraxmaan waxa uu ahaa xaasle waxaana uu ka tagay caruur, waxaa maanta oo Axad ah uu ku geeriyooday Magaalada Beledweyne.

Ugaas Cabdiraxmaan ayaa waxaa lagu aasi doonaa deegaanka Halgan, maadaama halkaas aay ku aasanyihiin dhamaan ugaasyadii ka horeeyay.

W/D Cabdirisaaq Al-cadaala

Goobjoog News

B/weyne, Hiiraan