U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Ku Goodiyay In Al-shabaab Ay Sanadkaan Ka Saari Doonaan Guud Ahaan Dalka

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta waxa uu xafiiskiisa kula kulmay saraakiisha ciidanka Midowga Afrka Ee AMISOM ugu sareysa, iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan amniga guud ee dalka iyo sidoo kale howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Waxyaabaha kulankaan diiradda lagu saaray ayaa waxaa ka mid ah sidii loo xoojin lahaa sanadkaan 2016-ka dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo in guud ahaan dalka ay ka saaraan ururkaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in sanadkaan cusub uu noqon doono mid ciidanka Xoogga dalka ay ku guuleystaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab, islamarkaana ay dardar gelin doonaan howlgallada ay amniga dalka ku xaqiijinayaan.

“Kulankan muhiimka ah ee aynu maanta halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo waxaan isla garanay AMISOM in Sanadkan 2016 Soomaaliya oo dhan laga waayo meel ay Argagixiso ka taliyaan”ayuu yiri Taliyaha Xoogga.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulan maalmihii ugu dambeeyay dhex marayay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya iyo sidoo kale saraakiisha ciidanka AMISOM ee howlgalka Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

kulan4 Kulan3 Kulan2 Kulan1

Goobjoog News