U bood dhigaalka

Saraakiisha Dowladda Ee Gedo Oo Sheegay Inay Wadaan Qorshe Looga Hortagayo Weerarada Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobalka Gedo ayaa sheegay inay wadaan qorsheyaal ku aadan inay ka hortagaan weerarada kaga yimaada dhanka Al-shabaab.

Korneel Khaliif Cumar Xiireey oo ka mid ah saraakiishan ayaa u sheegay Goobjoog News in hadda ay wadaan abaabul ciidan, islamarkaana ay dhawaan doonayaan inay ku baxaan deegaanada Gedo kaga sugan yihiin Al-shabaab.

“Ciidamada xoogga dalka ayaa diyaarsan waxaan ka hortagaynaa weerar walba oo ay damacsan yihiin iyo khasaare walba oo shacabka ay la doonayaan, waxaan ku baxaynaa meel walba oo ay dalka ka joogaan, gaar ahaan Gedo” ayuu yiri Korneelka.

Dhinaca kale Korneel Xiirey ayaa mar uu ka hadlay weerarkii Al-shabaab ee deegaanka Ceelcadde waxa uu beeniyay in ciidanka Kenya laga dilay 60, isaga oo taa bedelkeeda ku sheegay inay dileen askar badan oo Al-shabaab ah waa sida uu hadalkau dhigaye.

Dagaal yahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa shalay weerar ku qaaday xarun ciidamada AMISOM ee ka socda Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo.

Goobjoog News