U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Oo Xiray Shaqaale Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland

Sheeko:Dalka

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay xabsiga dhigeen shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka maamulka Somaliland xilli ay marayeen deegaanno ku dhaw xuduudda Itoobiya.

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Maamulka Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in illaa iyo haatan aysan ogeyn ulajeedka loo haysto shaqaalahooda, balse ay maqleen oo kaliya inay xireen ciidan dowladda Itoobiya u qaabilsan canshuuraha.

Dadka la xiray ayaa magacyadooda kala ah:-

Khadar Ibraahim Maxamed

Xamda Cawil Garaad

Hana Maxamed Cabdullahi

Iyo darawal magaciisa lagu soo koobay Shiine kaasi oo aan ka tirsaneyn wasaaraddaasi.

Agaasime Saleebaan ayaa xaqiijiyay in dadkaasi la xiray loo gudbiyay magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyaguna ka maamul ahaan ay wadaan dadaallo dadkaasi lagu soo deynayo.

Goobjoog News