U bood dhigaalka

Qiimaha Saliidda Dunida Oo Hoos u Dhacay

Sheeko:Dalka

Hoos u dhac weyn ayaa la gadareemayaa qiimaha la kala siisto saliidda dunida kadib markii quwadaha caalamku ay ka qaadeen dalka Iran cunaqabateenno saarnaa iyadoo Iran ay  isku diyaarineyso in ay ku kordhiso wax soo saarkeeda dhanka saliidda maalintii 500,000 oo Fuusto.

Roknoddin Javadi oo ah wasiir ku xigeenka dhanka shidaalka dalka Iran ayaa sheegay in Iran ay dib u soo ceshaneyso saamigeedii dhanka Suuqa ee xirmay 2012-kii.

Iran ayaa dhoofin jirtay 2.3 million oo Fuusto maalintii balse, dhoofinta saliideeda ciiriinka ah ayaa hoos ugu dhacday Hal  million 2012-kii.

Qiimaha saliida ayaa dhawaan hoos ugu dhacay ku dhawaad $28 fuustadiiba, taas oo noqotay hoos u dhicii ugu weynaa muddo 13 sanno ah.

Dadka dhaqaalaha ka faallooda ayaa sheegaya in la filayay in shidaalku uu sii raqiiso maalmaha soo aadan.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Nukleerka ayaa sabtidii soo saartay warbixin ay ku cadeyneyso in dowladda Iran ay u hogaasantahay go’aanadii UN-ka taas oo durbadiiba sahashay in si degdeg ah xayiraada looga qaado Iran.

Goobjoog News

Mawduucyada:Shidaal