U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gobalka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Buulomareer ee gobalka Shabellaha Hoose, kaasi oo faah faahin laga helayo.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay inay jidka u galeen gaadiid ay la socdeen ciidanka AMISOM waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado socday.

Inta la xaqiijiyay Laba qof ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, iyadoo dhaawac uu jiro balse aan lahayn tirada rasmiga ah.

Dhinacayadii ku dagaallamay deegaanka Buulomareer ee gobalka Shabellaha Hoose weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi.

Al-shabaab ayaa sidaan oo kele waxay dhowr jeer wadada ugu galeen kolonyo ka mid ah ciidanka AMISOM, waxaana weeraradaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News