U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Cabdi Xaaji Goobdoon

Sheeko:Dalka

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, carruurta, bahda saxaafadda iyo guud ahaanba Shacabka Soomaaliyeed oo uu uga tacsiyadeeyey geerrida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon oo la taliye u ahaa Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo saakay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, aniga oo ku hadlaya magaceyga, magaca Guddoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qosyka,carruurta, bahda saxaafadda iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed oo aan uga tacsiyadeynayo geerrida naxdinta leh ee ku timid marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon oo la taliye u ahaa Guddoonka Baarlamaanka waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistiisa jano siiyo” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Alle ka baryey in uu samir iyo iimaan naga wada siiyo rug cadaaga saxaafadeed marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon, isagana uu kitaabkiisa midigta ka siiyo.

—-DHAMMAAD—-