U bood dhigaalka

Aragtiyada Laga Qabo Natiijadii Shirkii Madasha Doorashada 2016-ka iyo Caqabadaha Horyaalla

Sheeko:Dalka

Shirkii Madashada ee la soo gabagabeeyay 27-kii bishan waxaa ka soo baxaya guux kala duwan, dad dhaliilsan iyo in kale oo taageersan, in ku faraxsan iyo dad badan oo xanaaqsan.

Goobjoog News ayaa warbixin dheer ka diyaarisay aragtida Madaxda dalka, Siyaasiyiinta, Xildhibaanada, ururada dalka, bulshada rayida  iyo xitaa shacbak degan gobollada dalka.

Golaha Wasiirrada Federaalka:

Golaha Wasiirrada dowladda Federaalka ayaa Khamiistii ansixiyay go’aanka madashada doorashada 2016-ka, Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid waxaa uu sheegay in dhawaan la horgeynayo baarlamaanka si horay loogu socdo.

Madaxda Maamul Goboleedyada:

Maamulka Puntland ayaa noqday midka kaliya ee si cad uga soo horjeestay natiijada madasha iyo arrintaas ay isku waafaqeen madax iyo shacab.

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka soo horjeestay natiijada shirka madasha isagoo intaa ku daray in natiijadan ay ka duwan tahay middii ay u soo wakiisheen reer Puntland.

Waxaa kaloo Puntland ay qeybisay warsaaxafadeed ay ku sheegayaan in gebi ahaanba uu fashil ku dhamaaday shirka madasha wadatashiga ee Muqdisha ka socday saddexda maalin.

Dhinaca kale Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland oo Saxaafadda la hadlayey Jimcihii waxaa soo qaaday in shirka Muqdisho ay aheyd mid ay u yeereen beesha caalamka, natiijada shirka ka soo baxdayna ay aheyd mid ay soo jeedisay dowladda federaalka ah ayna  beesha caalamka ku raacday isagoo ka gaabsaday in uu ra’iyigiisa shakhsiga ka hadlo, Shacabka reer Jubbaland waxaa uu u sheegay in ay go’aankooda u sheegaan wafdiga dowladda federaalka iyo beesha caalamka ee goboladaas tagi doona.

Xildhibaanada Federaalka:

In kasta oo la filayo in natiijada shirka la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya si ay ugu codeeyaan hadana ma arkin Xildhibaan go’aanka taageersan xildhibaanadii la hadlay Goobjoog News.

Xildhibaan Cabdi Barre oo Goobjoog News u warramay ayaa ka soo horjeestay natiijada shirka madasha isagoo ku sheegay in shirka uu fashilmay oo lagu kala kacay isagoo soo qaatay Mowqifka Puntland iyo Somaliland eedna dusha ka saaray xukuumadda Cumar Cabdirashid

Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Wasaaradda dastuurka Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News aya sheegay in Muranka ka dhashay Hanaanka doorasho ee Dalka uu ka hor imaanayo Mustaqbalka hogaanka soomaaliya,

Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay muranka ka taagan hanaanka doorasho ee Dalka ayaa sheegay in madasha wada tashiga qaran ee doorashada dalka shirkoodii Muqdisho Go’aankii ka soo baxay uu yahay mid aan dan u ahayn ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdulahi Jamaac Kabaweyne oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in go’aankaas uu ceebo leeyahay oo qabiil aanu faa’iido laheyn isagoo intaa raaciyay in laga warsugo go’aanka Baarlamaanka ee natiijada shirka iyo codeynta dhici doonta.

Siyaasiyiinta:

Tarsan guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda bulshada, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir  oo Goobjoog News la hadlay ayaa ka digay in Masiirka Ummadda Soomaaliyeed loo gacan geliyo shaqsiyaad ka tirsan Dowladda Soomaaliya,

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlayay doon doonida hogaanka dowladda soo socota ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan muuqan cadaalad loo maray hanaanka doorasho ee dalka taasi oo uu sheegay inay Muujineyso in Shirkii Madasha wadatashiga aysan ka qeyb gelin Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Dr. Maxamed Cali oo ah Guddoomiyaha ururka Qaranka ee isbadalka iyo Hormarinta oo Goobjoog News u warramay ayaa natiijada shirkii madasha ku tilmaay mid aanan waxba soo kordhineyn isagoo intaa ku daray in Axsaabta dalka ay sii wadayaan dacwadii ka dhanka aheyd Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha iyo federaalka.

Dhinaca kale, war murtiyeed ay soo saartay madasha midnimada iyo dimoqoraadiyadda dalka, warkan oo ka koobnaa illaa 7 qodob, lana soo gaarsiiyay Jimcihii  Goobjoog News ayaa lagu dhaliilay madaxda qaranka

Qodobada ku jira waxaa ka mid ah: qodobo la sheegay in ay ku jiraan dastuurka dalka oo la jabiyay, in hogaamiyeyaasha dalka ay fashilmeen iyo arrimo kale

Bulshada Rayidka ah:

Daladda Jilayaasha Aan Dowliga ahayn ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Dadweynaha Soomaaliyeed ay muhiim tahay inay ka tashadaan Mustaqbalka Siyaasadda Soomaaliya,

Gudoomiyaha Daladda Jilayaasha Aan Dowliga ahayn ee Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu mugdi siyaasadeed galayo taasina ay sabab u tahay shirarka looga hadlayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka oo dad gaar ah gacanta ugu jira.

Aragtida Shacadka:

Shacabka ku dhaqan Muqdisho oo Goobjoog News u warramay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Muqdisho iyo Khaatumo la liiday, mid ka mid ah dadkaas ayaa ku dooday in aanay garaneyn sababta ay Koofur u hortaagan tahay maamul-ka Khaatumo, shacbka Goobjoog la hadlay ayaa rajo xumo ka muujiyay sida shirka madasha ku dhammaaday iyo in shirka uu ka soo baxay go’aan aan Soomaali wax dan ah ugu jirin.

Reer Galkacyo qeybta Galmudug oo Goobjoog News u warramay ayaa soo dhaweeyay natiijada shirka iyagoo soo dhaweeyay in xubno loogu daray dad ay sheegeen in ay walaalo yihiin.

Dadweynaha ku dhaqan degmada Cadaado ee isla Maamul Goboleedka Galmudug oo la hadlay Goobjoog News ayaa dowladda ugu hambalyeeyay go’aankeeda ku aadan Madasha mar haddii ay is fahmi waayeen maamul goboleedyada dalka.

Dadka ku dhaqan Kismaayo ee Jubbaland ayaa Goobjoog News u sheegay in ay ka soo horjeedaan natiijada shirka  iyo 4.5-ka, qaarkood waxaa ay ku doodeen in arrinkaas dhaqan iyo diin ahaan aanay wanaagsaneen oo dad Soomaaliyeed la leeyahay waxaa tihiin 0.5 ama bar sidaa darteedna ay taageerayaan in deegaan wax lagu qaato.

Dadweynaha Boosaaso ku nool ayaa taageeray mowfiqka madaxweynahooda Cabdiweli Gaas oo ka soo horjeestay natiijada shirka, dadkan waxaa ay noo sheegeen in shirka uu ku dhamaaday fashil sida ay qabaan mar haddii la garab maray in deegaan doorashada lagu saleeyo ee la qaatay 4.5 iyagoo soo jeediyay in la ixtiraamo rabitaanka shacabka.

Shacabka reer Baydhabo ee koofur galbeed oo Goobjoog News la hadlay ayaa natiijada shirkii madasha ku tilaamay arrin wanaagsan iyagoo intaa ku daray in 4.5 ay tahay qaabka ugu macquulsan ee Soomaaliya ay ku wada socon karto, shacabka ayaa waxaa ay qabaan in doorasho deegaan aan xilligan lagu codeyn karin oo dowladda aanay gacanta ugu jirin dalka oo dhan.

Reer Baladweyn oo gobolka Hiiraan ah ayaa dhankooda guul ku tilmaamay natiijada shirka, shacabka ayaa waxay qabaan in arrintan ay aheyd wixii la qaban karay xilligan in kastoo ay jireen dhalinyaro kasoo horjeestay.

Golaha Ammaanka:

Xubnaha golaha ammaanka ayaa 28-kii bishan warbixin Soomaaliya ku saabsan ka dhageystay ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramada Midoobey Michael Keating iyo ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa soo dhaweeyay go’aanka iyo natiijada shirka.

Xubnaha golaha ammaanka waxaa ay soo dhaweeyeen go’aankiisa ka soo baxay 27-ka bishan madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka 2016-ka.

Golaha waxaa uu ku ammaanay dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo dhammaan Soomaaliya sida ay uga miro dhaliyeen dadaalka dhowrka bilood socday ee hanaanka doorashada 2016-ka.

Warbixintan waxaa soo uruuriyay: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye

Mawduucyada:Gobollada