U bood dhigaalka

Qaar Ka mid Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Maxkamad la’aan ah

Sheeko:Dalka

Sharcigu waa udub dhexaadka nolosha waxaana uu mar weliba la falgalaa heerarka kala duwan ee aadanaha kaas oo aan cid gaar ah u eexaneyn marka loo maro wadada saxda ah.

Fulinta sharciga ayaa waxaa u xilsaaran hay’daha garsoorka waddanka oo ah barta qaadda wax kasta oo ku saabsan kala saarista dadka is haysta heer kasta oo ay ahaadaanba.

Hey’ada garsoorka ayaa ah hey’ada ugu sareeysa dalka dhinaca Cadaaladda waayo laamaha dowladda isma xukumi karaan haddii wax qalooc ku yimaadaan waxaa shardi ah in qaloocaa la saxo awoodda uga sareeysana waa iyada waxayna ilaalisaa xeerka qoran ee lagu heshiiyey .

Bilowga  ugu horeeya ee garsoorku wuxuu khaldamaa marka u horeysa ee saldhiga booliska siiba OP-ga qaabka loo qoro dembiga iyo  baarayaasha laftooda  waxaa muhiima in bilowga halkaas la adkeeyo si looga bad-baado in uu halkaa ka qaloocdo ama ka leexdo iyadoo laga fogaanayo, cadaalad darro maxkamadaha ka dhacda oo qaloocaa hore dartii ay sabab u noqoto.

Qormadaan waxaynu ku soo qaadan doonaa dhinaca garsoorka iyo shuruucda dib-u-dhacooda, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay bulshada gobolka ku dhaqan, cadaaladdu waa meelaha laga qiimeeyo horumarka ama dib-u-dhaca bulshada.

Hannaanka ay u shaqeeyaan maxkamadaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaan ku eegi doonaa warbixintan iyadoo aan u kuurgalnay inta badan maxkamadaha iyo qaabka ay u shaqeeyaan

Degmooyinka qaar malahan maxkamadda degmada loogu talagay qaarkood waxaa maxkamad laga sameeyay bila uun ka hor abid iyadoo qaarkoodna iyaga oo leh aysan qaban shaqadii loogu tala galay

Ujeedka warbixintaan ayaa ah baaritaan aan ku samaynayno garsoorka degmooyinka goboolka waxaana ay ku salaysan yihiin su’aalaha soo socda  :

Degmooyinka gobolka banaadir ma leeyihiin maxkamado dadka u eed qaadda?

Hadii ay leeyihiin ma u shaqeeyaan sidii loogu talagalay?

Degmooyinka aan tagay waxaa ka mid ah degmada Cabdul-casiis oo ka mid ah degmooyinka qadiimiga ah ee gobolka Banaadir waxaana gudoomiye-yaasha degmada iyo maxklamada wax ka waydiyay qaabka ay u shaqeeyaan.

Gudoomiyaha degmada Cabdul-Casiis Cismaan Muxiidiin Cariif ayaa Goobjoog FM u Sheegay in degmada aysan haatan ka hor lahayn wax maxkamad ah hase yeeshee haatan ay ku guuleysteen in degmada maxkamad laga sameeyo markii ugu horaysay.

Waxaan rajeynaynaa in degmadu ay haatan kadib noqoto mid dadka ku nool aysan u baahan in maxkamado kale ay raadiyaan maadaama la dhisay maxkamadda degmada waxaa yiri gudoomiyaha degmada Cabdul-casiis .

Guddoomiyaha maxkamadda degmada cabdul-casiis ayaa sheegay in aas aaska maxkamadda ay keentay kadib markii ay arkeen baahiyaha ay bulshadu u qabaan in ay garsoor helaan inkastoo aysan ogayn dadka qaar ee degmada dagan.

Gudoomiyaha maxakamadda degmada ayaa xusay  in maxkamaddu ay tahay meesha kaliya ee ay ka dhismi karto degmada.

Degmada Xamarweyne ayaa qayb ka ah degmooyinka ay maxkamadoodu shaqayso waxaa gudoomiyaha degmada Xamarweyne C.qaadir Maxamed C.qaadir sheegay in maxakamadda degmada ay u shaqayso sidii loogu talagalay.

Maxkamaddu waxa ay u kala garqaadaa shacabka degmada waxaa yiri gudoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Waxaan xiriiro kala duwan la samaynay degmooyinka gobolka Banaadir iyadoo guddoomiyaashu ii sheegeen in degmooyinku ay maxkamado  leeyihiin hase yeeshee sidii loogu talagay aanay u shaqayn.

Waddan walba sawirkiisa rasmiga ah ayaa ah sida ay Cadaaladda ugu dhaqmaan ama Cadaaladi uga jirto dalkaas waxaana hataan muuqata in marka laga tago sharcigii guud uusan qaabkii loogu tala galay u shaqayn

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah waddamada horumarkoodu ay hoos u dhigtay cadaalad la’aanta ka jirta waxaana sharciga oo leh heerar kala duwan ee maxkamadeed oo  ka bilaabata degmooyinka gobolada iyo midda sare uu haatan u muuqdo mid aan shaqo badan ka qaban howsha uu u xilsaaran yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa  horumarinta Sharciga oo ay ka tageeraan ha’ayadaha sharciga sidii loo toosin lahaa sharcigana loogu kala danbayn lahaa ayna difaacaan dadka xuquuqdooda aan difaacan karin ee danyarta ah ama jilicsan, sharciguna u noqon lahaa sheyga ugu sareeya waddanka.

Leylo Cabdi Maxamed, Goobjoog News