U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Dib u Qabsatay Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay dib ula wareegeen magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose, waxyar un kadib markii maanta ay halkaasi qabsadeen ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Qof ku sugan magaalada Marka ayaa Idaacadda Goobjoog u sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka oo saacado kooban maanta gacanta ku hayay magaaladaasi ay halkaasi isaga baxeen, kadib markii ciidan badan oo Al-shabaab ah ay Marka usoo ruqaansadeen.

Jawiga guud ee magaalada Marka weli cago badan kuma taagna, waxaana dadka shacabka ah ay yihiin kuwo ka baqaya in mar kale lagu dul dagaallamo dushooda.

Shalay waxaa magaalada Marka la wareegay Al-shabaab, hase ahaatee waxaa maanta dib ugu laabtay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM balse waxaa goor dhaw halkaasi mar kale qabsaday ciidanka Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News