U bood dhigaalka

C/weli Gaas Oo Ka Qeylo Dhaamiyay Abaar Ka Jirta Deegaannada Puntland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka qeylo dhaamiyay abaar ka jirta deegaanno ka mid ah Puntland, waxaana uu beesha caalamka ka codsaday inay gargaar la soo gaaraan deegaannadu abaartu ku dhufatay.

Gaas ayaa kulan kula qaatay  xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe  in ka badan 30 hay’adood oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxalli ah kuwaas oo dhammaantood ka hawlgala Puntland.

Madaxweynaha ayaa hay’adahaasi waxaa uu kala hadlay xaaladda abaaraha ee ka jirta Puntland iyo sidii wax looga qaban lahaa maadaama uu jiro dhaqaale badan oo magaca Soomaaliya lagu soo qaadoo kaas oo lasoo marsiiyo hay’adaha gargaarka balse aan intiisa badan dhaqaalahaasi lagu bixin meelihii loogu talo galay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Deegaanada Puntland waxaa ka jira abaar, waxaana kasii daran midda hadda soo socota, dadku ma awoodaan inay noloshoodu maareeyaan, waa in loo gurmadaa dadkaasi, beesha caalamka iyo hay’adaha samafalka ah waxaan leenahay bad baadiya dadkan oo qorsheeya in laga sii hortago dhibaato kale oo dhacda” ayuu yiri Gaas.

Cabsida ugu daran ayaa xilligaan ka jirta deegaanada baadiyaha ah ee Puntland, waxaana xilligaan laga baqayaa in dadku saameyn ku yeesho xilliga deyrta, iyadoo meelaha ugu daran ay ka mid yihiin goballada Bari iyo Nugaal.

Goobjoog News