U bood dhigaalka

Warbixintii “Imisaa La Diley” Ee Bisha January 2016-ka

Waa Mar kale iyo qormadeenii joogtada ah ee Imisaa La Diley, taasi oo bil kasta dhamaadkeeda aan kusoo bandhigno tirada dadka la diley Soomaaliya, inta ay Goobjoog ka warheyso ama diiwaangalisey.

Bisha January 2016-ka waxaa la dilay Saraakiil, Siyaasiyiin, Rayid, Shaqaale dowlad, Ciidan, dhacdooyinka dhamaan ka dhaca gobollada dalka.

Guud ahaan dhimashada waa 243 qof halka dhaawaca uu yahay 166 qof, Inta badan dilalka dhacay waxa ay u badnaayeen kuwa bartilmaameedsi dad muhiim ah, shiral dhacay iyo aanooyin qabiil.

Hadaba dadkii la diley, goorta la diley , meeshii lagu diley iyo dhamaan xogihii aan ka helney waxaan kusoo koobnay xagga hoose.

Sooyaalka Dambiyada: 

January 1, 2016: Qof Turki u dhashay ayaa lagu dhaawacay Muqdisho xili uu ka soo baxayey masjid uu salaadda Jimcaha ku Tukaday, ninkan dhaawacmay waxaa uu ka shaqeynayey shirkad dhismo, waxaa toogtay dabley ku jirtay gaari aad u socday.

January 1, 2016: Buq Matoor waxaa ka dhacay dagaal beeleed soo noqnoqday, illaa 6 qof ayaa ku dhimatay halka tiro aad u badan ay ku dhaawacmeen, dhaawacyadii ayaa loo qaaday  Beledweyne.

January 2, 2016: Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor aroornimo ah waxaa uu ka dhacay  maqaayadda The Village oo ku taalla daarta Hooyooyinka, degmada X/weyne, 3 qof ayaa goobta ku dhimatay halka 2 kale ay ku dhaawacmeen.

January 3, 2016–  Dagaal Ciidamada dowladda dhexdooda ah ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 ka tirsan dhinacyadii dagaalayey.

Dagaalka waxaa uu ka dhacay Baraawe oo ka tirsan Gedo, lama oga sababta, laakin waxaa la sheegayaa in dhacdooyinkan ay soo noqnoqdaan.

January 3, 2016: Labo nin oo ganacsato ahaa ayaa lagu dilay Ceelbuur, Labadan nin ayaa la sheegay in madaxa rasaas badan kaga dhufteen, laguna dilay guryahooda dhexdooda.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Cabdi Xasan Maxamed (Biyo-quute), ayaa sheegay in Alshabaab ay dileen labada nin oo kala ahaa  Mahdi Muuse iyo Sool Sacad Xuseen.

January 4, 2016: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maamulka Galmudug, Cabdi Samad Yuusuf Cilmi, ayaa sheegay inuu ka bad-baaday fal lagu doonaayay in lagu dilo. Cabdi Samad, ayaa sheegay rag hubaysan oo wata gaari inay gaarigiisa ku soo horjareen, xilli uu maraayay Xaafad ka tirsan Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

january 4, 2016: Qarax Miino oo lala eegtay gawaarida AMISOM ayaa ka dhacay Lego oo ugu yaraan 100 KM dhanka waqooyi galbeed ka xigta caasimadda, ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhaawacantay.

January 5- 2016:   ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay halka mid kale uu ku dhaawacmay ka dib markii weerar lagu qaaday guri ay deganaayeen rag Turkish ah agagaarka Airportiga Muqdishu.

January 6, 2016: Inta la xaqiijiyay Seddex carruur ah ayaa u geeriyootay qarax Bam oo ka dhacay deegaanka Balli Busle ee gobalka Sanaag.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in carruurtaan ay ku ciyaarayeen Bamkaan oo ay meel waddo ah kasoo qaadeen, hase ahaatee uu ku qarxay.

Guddoomiyaha deegaankaasi Burhaan Bootaan Axmed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhacdooyinkaan ay noqdeen kuwo ku soo laab laabta deegaanka.

Junuary 6, 2015: Haweeney u shaqeysa shirkadda maamusha Aden Cadde International Airport ee Favori ayaa lagu dilay Xamar Bile, Haweeneyda la weeraray oo magaceeda oo dhameystiran aynaan helin ayaa la dilay iyadoo shaqada u socota.

Goobjoog News oo la xiriirtay shirkadda uma suurogelin in ay la hadlaan, cidna ma sheegan mas’uuliyadda dilkaas.

January 6, 2016: Illaa 4 oday dhaqameed ayaa Itoobiyaanka ku dileen magaalada Rabdhuurre ee Bakool,

Odayaashan ayaa gurigooda mid mid loogala baxay sida ay qortay Wacaal media, raggan ayaa kala ahaa: Abdirahman Abdullahi, 65, Mohamad Khayr, 55, Adan Abdullahi, 50 iyo Mohamed Mukhtar, 35.

January 6, 2016:  Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda ee Gedo ayaa halkaas lagu dilay.

Faarax Cali Cabdi (Hariye), Faarax ayaa bilowgii sanadkii 2015-ka isu soo dhiibay Ciidamada Dowladda Somaliya, ee degan Deegaanka Ceelcadde, oo qiyaastii 60km u jirta Xarunta Gobolka Gedo Ee Magaalada Garbahaarey.

Dilka waxaa xaqiijiyay Col Mohamed Mo’alin Guhad oo ah sarkaal ka tirsan Bardere, labo nin oo Bistoolado ku hubeysan ayaa dilay.

January 6, 2016: Dagaal dad ku dhinteen ayaa  ka dhacay Soona Kay, xaafaddan waa dan guud waxaana deganaa dad guryo ka dhistay markii dowladdii dhexe burburtay.

Dadka dagaalaya waxaa ka mid ah dad ka tirsan dowladda Ciidan iyo shaqaale caadi ah, xabadda ayaa bilaabatay ka dib markii ay Ciidamada dowladda bilaabeen dhul burburin.

Dadka qaar waxaa la sheegay in ay xalay qaxeen halka qaarkoodna ay saaka xaafadaha ka baxeen markii xabadda bilaabatay.

Wararka hor dhaca ah ayaa sheegaya in labo qof ay ku dhinteen oo midi haween tahay, waxaa kaloo la sheegayaa in uu halkaas ku dhaawacmay sarkaal dowladda ka tirsan.

January 6,-2016: illaa 15 qof ayaa ku dhimatay halka 10 kale uu cunug 8 bil jir ah ku dhaawacmeen dagaal maamulka Koofur Galbeed iyo Al-shabaab ku dhexmaray Goof gaduud, deegaankan ayaa la sheegayaa in uu ku yaalo 30 KM waqooyiga Baydhabo.

 

January 7, 2016: Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Degmada Rabdhuurre Gobolka Bakool, ayaa sheegay inay dileen Afar ruux oo ay ku eedeeyeen fallaaganimo.

Afartaan ruux ee la dilay, ayaa wararka soo baxay markii hore waxa ay sheegayeen inay dileen ciidamada Itoobiya ee Degmadaasi jooga, inkastoo markii dambe Saraakiisha ciidamada Dowladda ay qirteen inay iyaga gacantooda ku dileen Afartaasi ruux.

January 7, 2016: Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku geeriyootay halka 4 kale ay ku dhaawacmeen madaafiic  ku dhacday xarunta degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal halkaas ku sugan ayaa sheegay in ay goobta ku dhinteen dad rayid ah oo ka tirsanaa deegaanka.

Lama oga cidda soo riday iyo xitaa halka loo waday laakiin arrintaas waxaa ay walaac ku abuurtay dadka reer Muqdisho.

January 8, 2016: Haweeney Xogheyn ka ah degmada Kaxda oo lagu magacaabo Xaawa Luul Nuur Mohamed ayaa dil ka badbaaday, cidna ma sheegan mas’uuliyadda weerarka.

January 8, 2016: Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug, Cumar Sheekh Axmed Guureeye, ayaa waxaa galabnimadii Khamiista lagu dhaawacay Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud.

Tallaabada lagu dhaawacay, ayaa waxay ka dambeysay markii sida la sheegay ay ka gudbeen kontorool ay ku sugnaayeen ciidanka Nabad Suggida ee ka hawlgala magaalada Cadaado. Wasiiru Dowlaha, ayaa waxaa la socday Abwaan Daahir.

January 8, 2016: Kooxo aan heybtooda la garaneyn ayaa garaacay isla markaana dhaawac u geystay weriye ka shaqeynayey waqooyiga dalka.

Hussein Hassan Adde, oo ka shaqeeyay  Puntland TV, saldhigiisuna ahaa  Buuhoodle  ayaa halkaas si un loogula dhaqmay.

January 9, 2015: Haweeney ayaa ku dhimatay 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen degmada Warsheekh, guddoomiye ku xigeenka Warsheekh ee amniga Muriidi Xasan ayaa xaqiijiyay dhacadada.

January 9, 2016: Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in 20 ruux ay ku dhaawacmeen, Shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanka Ceel dheere iyo Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Shilkaan ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca Soomaalida ay u taqaan NOHA iyo gaari Bas ah oo siday Rakaab badan.

January 10, 2016: Ugu yaraan hal sarkaal ayaa lagu dilay halka mid kale lagu dhaawacay kadib markii gaarigooda lagu qarxiyay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.
January 10, 2016: Dagaal ka dhacay Baardheere, Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku geeriyooday dagaalka, sidoo kale waxaa jirta waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah iyo ciidamada intaba, balse ma cadda Khasaaraha rasmiga ah inta uu la eeg yahay.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay ka dib markii Saldhigga ay weerareen ciidan ka tirsan Dowladda, balse ka careysan dil 6-dii Bishan magaalada Baardheere loogu geystay Sarkaal ka tirsanaan jiray Shabaab, balse markii dambe ku soo biiray ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo.

January 10, 2015: Gaari nooca raaxada ah oo uu lahaa nin ka shaqeeya Dekadda Muqdisho  oo magaciisa lagu soo koobay Jaarlees, ayaa lagu qarxiyay Xaafadda Maanabooliyo Degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Jaarlees Qaraxa waxaa ka soo gaaray dhaawac aanan sidaasi u buurneyn, ka dib markii uu Baabuurka ka dagay ka hor inta uusan qarxin baabuurka.

Labo ruux ayaa ku dhaawacantay oo shacab ahaa oo wadada dhinaceeda maraayay, xilliga Qaraxa Baabuurka uu dhacaayay ayaa waxa ay ahayd aroor hore oo jugta qaraxa si weyn ayaa looga maqlay Degmooyinka magaalada Muqdisho, maadaama Jawiga uu ahaa mid degan.

January 11, 2016: lobo qof ayaa ku dhimatay halka 2 kale ay dhaawacmeen kadib maekii qarax miino lagu dilay ganacsade Abuukar Xaaji Hiraabe, oo ka mid ah ganacsatada sida weyn looga garanaayo Gobolada Koofureed ee Soomaaliya. Ganacsadaha oo la socday gaari nooca raaxada ah, ayaa waxaa qarax lagula beegsaday Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan agagaaraha halka loo yaqaano (Xero Agoon).

 

January 13, 2016: 6 ruux ayaa ku dhimatay dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo dowladda, dagaalka waxaa uu ka dhacay duuleedka Ceel-buur.

 

 

 

January 17, 2016: Ciidamada Militariga Kenya oo ku sii siqaya Degmada Ceelcadde Ee Gobolka Gedo, ayaa waxay galabtaas siyaabooyin kala duwan ay duleedka Degmadaasi ugu dileen illaa seddex qof oo rayid ah.

Militariga Kenya, ayaa waxaa uu dadkan oo xoolo dhaqato ahaa uu ku dilay Deegaanka Sanose, xilli sida la sheegay ay ka baadigoobayeen qaar ka mid ah askartoodii maalintii Jimcaha lagu waayay, weerarkii ay Shabaabku ku qaadeen Degmadaasi Ceelcadde.

January 17, 2016: Laba ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa lagu dilay Degmada Dharkiinley Ee Gobolka Banaadir, iyadoo dhinaca kalana laga qaatay qoryihii ay wateen.

Nin degan agagaaraha Masaajidka Sheekh C/xafiid ee xaafadda Kuweyt, ayaa sheegay in dabley ku hubeysneyd qoryaha daran-dooriga u dhaca, ay wadada u gashay askartaasi, iyagoo qaarajiyay.

January 19, 2016: Korneyl Aadan Axmed Xersi (Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay caradii Kenya ay ka qaaday weerarkii Ceelcadde inay kula dul dhacday dadka shacabka ah oo Diyaaradaha Kenya ay laayeen dad maati ah.

Aadan Rufle, ayaa sheegay tan iyo maalintii Jicmaha Duqeymaha ay bilaabeen Diyaaradaha Dagaalka Kenya inay ku laayeen dad shacab ah oo gaaraya 17 ruux inta ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, ku dhawaad 30 ruux oo dhaawac ahna ay jiraan oo qaarkood weli dhiig baxaya oo aanan haysan daawooyin iyo Daryeel caafimaad.

January 20, 2016: 7 ayaa ku dhimatay duqeyn ay Kenya ka geysteen duleedka magaalada Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

January 21, 2016: Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qof shacab ah waxa uu ku dilay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, qofkaasi oo la sheegay inuu ahaa darawal kaxeeya mootada Seddexda lugood leh ee Bajaajta loo yaqaano.

Mid ka mid ah ganactada ku dhaw halka falkaan uu ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog News in askariga dilka geystay uu saarnaa gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqanta, islamarkaana askariga uu qoray ku taagay ninkii darwalka ahaa ee dhintay.

January 21, 2016: Weeraro ka dhacay Liido, goor Maqrib ah ayaa weerar lagu qaaday Maqaahida Sea Food ee xeebta Liido, waxaa halkaas joogay dad shacab ah, ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay halka dhaawaca uu kor u dhaafay 40 qof.

January 23, 2016: Maxamed Mahad oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay Kenya inay si xaqdaro ah u laynayso dadka shacabka ah iyo kuwa reer miyiga ah ee Gedo jooga.

Waxa ay Kenya ku mar-marsiyoonaysaa ayuu yiri Sarkaalkaan in Diyaaradaha Kenya beegsanayaan Shabaabka, maadaama Shabaab ay haystaan ciidan u dhashay dalka Kenya oo Afduub ahaan gacanta Shabaabka ku jira.

Duqeymihii ugu dambeeyay ee  ka dhacay Gobolka Gedo, ayuu sheegay in lagu dilay 12 ruux oo Rayid ah iyo Xoolo isugu jira Ari iyo Lo’ intaba.

January 25, 2016: Liyuu Booliis ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ay xireen 20 qof oo shacab ah, ciidamada oo xadka soo gooyay ayaa howl-galka ka sameeyay magaalada caato oo ka tirsan Bakool.

January 25, 2016: Qof shacab ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Sadiq ayey qolo dabley ah ku dileen Marka.

January 26, 2016: Kooxo dalbey ah ayaa waxay gelinkii dambe ee maalintaas ay nin dhalinyaro ahaa ku dileen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge ku sugnaa qeybta Daawada, ayaa sheegay in Xoogaga dilka geystay ay dhawr xabadood ku dhufteen ninkaasi, oo jooggi jiray mid ka mid ah boosteejooyinka ku yaalla Suuqa Bakaaraha.

January 27, 2016: Guddoomiyihii Deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa in uu ku geeriyooday weerar ka dhacay duleedka Degmadaas
Ciidamada Kenya ayaa rasaas ku furay Guddoomiyaha xilli ciidamada ay ku sugnaayeen Deegaanka Likooley, ayna ka ambabaxeen Degmada Ceelcadde ee Gobolkaasi.

Korneyl Aadan Rufle oo ka tirsan Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in ciidanka Kenya ay dileen C/rashiid Cali Cabdi (Qoorlex) oo ahaa Guddoomiyihii Ceelcadde.

January 28, 2016: Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya AMISOM, ayaa waxay weerar ku qaadeen Deegaanka Meegaag, oo dhaca duleedka Degmada Ceelbuur Ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada Huwanta, ayaa weeraray dagaal-yahanada Al Shabaab ka tirsan oo ku sugnaa Deegaanka Meegaag, dagaalka ayaa sababay dhimashada lix ruux.

January 30, 2016: Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa koox hubaysan waxa ay ku dhawaceen Degmadaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda oolagu Magacaabo Shiikh Ibraahin  Nuur Shacbaan ayaa lagu dhawacay meel u dhow Gurigiisa.

January 30, 2016: Askari ka tirsan ciidamada Millateriga Dowladda Federalka Somaliya, ayaa dad shacab ah waxa uu ku rasaaseeyay Degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho. illaa Seddex ruux ayuu Askarigan ku dhaawacay Rasaasta uu ku furay dadka shacabka ah, xilli dadkaan ay tag-taagnaayeen Isgoyska Via-eejito ee Degmadaasi.

Mawduucyada:Dilalka