U bood dhigaalka

Baarlamaanka Oo Akhrintii Seddaxaad Mariyay Sharciga Maareynta Musiibooyinka

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kalfadhigiisii 7-aad,kulankiisa 34aad , kulanka ayaa waxaa ajandaha ku jiray akhrinta 3-aad ee sharciga Maareeynta Musiibooyinka oo ay soo gudbiyeen guddiga arrimaha gudaha,maamullada gobollada iyo amniga.

Hay’adda maareynta masiibooyinka Soomaaliyeed “SODM”, waxaa la aas-aasay August 03,2011, ka dib markii ay dhacday abaartii ku dhufatay Gobollada Koofurta iyo Bartamaha dalka, toban kun oo barakacayaal ah si xoogle ugu soo qul-quleen magaalada Muqdisho, ayagoo aan haysan wax hooy, cunno, iyo biyo ah,si ay u maareyso waxna uga qabato dhibaatadaas, sidoo kalena ay ka hortagto ama ay yareyso musiibooyinka iyo khataraha kale ee dalka ka dhici kara mar kasta.

Ha’aydda “SODMA” ayaa lagu aas-aasay go’aan gole wasiiro iyo dekreeto madaxwene, hase yeeshee aan laga ansixin sharciyadeeda golaha shacabka .

Hindise sharciyeedkan ayaa akhrintiisii 1aad wuxuu maray baarlamaanka 06.10.2013, isagoo la marsiiyay akhrintiisii 2aad 27.11.2013, wixii intaa ka dambeeyay waxaa dib ula noqday xukuumaddii xilligaas jirtay.

Ugu dambeyn sharciga ayaa manta la marsiiyay akhrintiisii 3aad , xildhibaanada ayaa la siiyay 48 saac oo ay ku soo akhriyaan sharciga iyadoo ka dibna lagu wado iney xubnaha baarlamaanku ansixiyaan sharciga.