U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Faah Faahin Dheeraad Ah Ka Bixiyay Mooshinkii Laga Gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa maalintii Isniinta 8 bishan Febraayo madaxweynaha ka gudbiyay mooshin cusub oo ay ku sababeeyeen in Madaxweynuhu ku tuntay dastuurka dalka ka dib markii uu amar ku bixiyay in xildhibaannada dalka uu ka qaado Xasaanaddii iyo sharaftii uu dastuurku siiyay xildhibaanada mooshinka gudbiyay ayaa kor u sii dhaafaya 50 xildhibaan.

Haddaba xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mid ah xildhibaanada Federaalka ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News ka hadlay mooshinka cusub iyo saameynta uu yeelan karo.

Xildhibaanka ayaa yiri: “Sida la ogyahay xildhibaanadu waxay waardiye ka yihiin dastuurka , wax dastuurka caqabad ku noqonaya haday jiraan ama iyaga ha taabtaan ama cid kale ha taabtaan  waxa weeyaan iney ka hadlaan.

Xildhibaanka oo sharaxaad ka bixiyay macnaha mooshin ayaa yiri “mooshinku waa soo jeedin oo kaliya, haddii fasiraadda khudbaddii madaxweynuha ay dhinac kale aaday, si loo bayaaniyo looga doodo ,loo wareysto maxaa keenaya in la is yiraahdo waa arrin meesha ku jirta”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu  xusay inaan arrintu xildhibaan taagneyn, laakii ay tahay arrinta dastuur,”dastuurka ummaddaa iska leh, sidaa daraadeed dad ay Ummaddu xushmo siisay oo mas’uuliyiin ah , fal dambiyeedna aan lagu haynin in xushmaddii iyo sharaftii iyo xasaanaddii dastuuriga ahayd waa in la siiyo, marka haddii la arkay oo xildhibaanno baxayay loola dhaqmay si aan habbooneyn, in arrintii laga doodo un weeye wax kale maaha”

Ugu dambeyn Xildhibaanka oo ka hadlayey ra’yigiisa dhudbaddii madaxweynaha ayaa sheegay in aan khudbad waxba lagu bedeli Karin, madaxweyuhuna uu xildhibaanada ku baraarujinayey oo kaliya inaan VIP-da si khaldan loo adeegsan oo aan dadkii qaraabada ahaa ee madaxda la socoday aan la soo marsiin, si guud ayuu u hadlay madaxweynuhu mana filaayo inuu ula jeeday xildhibaanada oo dalkooda jooga oo xushmad ku haysta in sharaftooda la waxyeeleeyo.