U bood dhigaalka

Dalmar: Isaga Oo Aragga La Ayuu Ku Hamiyaa Inuu Dalka Horumariyo

Sheeko:Dalka

Dalmar Caddow Maalin waa wiil dhallinyaro ah oo da’diisa ay ka hooseyso 20 ka sano waxa uu aragga beelay isaga oo jira 3sano markaas oo uu sababsaday xanuunka Soomalida u taqaano Daafka

Dalmar waxa uu ku dhashay Xaafad ka tirsan Gobolka Banaadir sanadka Markuu ahaa 1997dii mar xaladdii Ciyaalnimada ayuu Dalmar ku qaatay Muqdishu isaga oo aanaan ogeeyn in uu ku arag beelayo da’da 3 San

Hadda waxa uu ku nool yahay magaalo 40 Km u jirta Nairobi caasimadda Kenya halkaas oo uu wax ka barto mid ka mid ah Collageska ku yaalla

Dalmar waxa uu ka sheekeeynayaa sidii uu ku tegey Nairobi waxa uuna yiri ” Arag la’aanta igu dhacday waxa ay igu abuurtay cuqdad badan maxaa yeelay carruurta ila dhalatay oo dhan Iskuul ayey u kallahayeen waalidka shaqo ayay aadayeen aniga keliya ayaa guriga dhex fadhin jiray keliya waxaan isku mada daalin jiray dhageysiga Idaacadaha ama in aan isaga baashaalo Taleefoonka guriga ”

Isaga oo ka sii hadlayey uur ku taalada arag la’aanta ay ku reebtay ayuu sheegay in rajada noloshiisa uu heley maalin uu salaad u aaday masjid ku dhawaa guriga reerkiisa ay ka daganaayeen Muqdishu halkaasi uu kula kulmay Wiil lagu magcaabo Ustaad C/Qaadir oo isna aragga la’ laakin wax soo bartay  una sheegay in uu wax baran karo.

Waxa uu sheegay  in ay la’ahaan weyday in qof aragga la’ uu wax baran karo waxa uu yiri “waxaan aamin sanaa in keligey aan aragga la’ahay qoyskeyga xitaa wey rumeysan waayeen in aan wax baran karo sida dadka aragga qaba ”

Dalmar waxa uu caqabad aan yareyn uu kala kulmay sida dadka la midka ahba ay ula kulmaan dhacdadii mahadhada ku reebtay ayuu ku sheegay “habeen habeenada ka mid ah anigoo fasax u imaaday Muqdishu ayaan la kulmay dhibaatadii iigu weyneyd maxaa yeelay usha dadka aragga la’ wey dhawaaqdaa marka la kala furayo waxaana igu dhacday in askari uu mooday in aan qoray u koob gareysanayo waxa uu igu qabtay qoriga laba xabbo ayuu kor iigu riday ,darbi ayuu madaxa ii saaray waxaan niyadda iska dhahay xabadda koowaad waa cirka ee tan labaad  ayaa kugu dhici doonta  aad baan u walwalay

Askarigii xabsi ayuu ii ka xeeyay ..hooyo wadada mareysay ayaa isku duubtay oo ku tiri aniga idil intii wiilkaan aragga la’aad dili lahayd

Waxa uu igu yiri waxa aad ka mid tahay dadka dhibaatada ku haya magaalda xaaladda ayaa igu adkaatay waxaa nagu soo baxay dad badan oo i garanayey oo yiri wiilkaan wax dambi ah malahan waana arag la’yahay ee faraha ka qaad laakiin nasiib darro waa uu diiday waxa uu yiri i (don’t Care) nasiib wanaag waxaa suura gashay in la’iga sii daayo ”

Dalmar Maalintaas waxa uu ku fikiray in uu dalka isaga baxo maadaama uusan ku bad baadeeyn isaga oo codsi u dirsaday Hay’ad u dhaq dhaqaaqda dadka lixaadka la’ oo fadhigeedu yahay dalka Kenya ,ugu dambeeyntiina u suura gashay in uu ku noolaado dalkaasi

Noloshiisa Dalmar waxa uu ku bartay Kenya wax barasho ka kooban Luqadda Englishka,Sawaaxiligga iyo Computer-ka oo uu sheegay in sidii uu rabo u isticmaalo

La dhaqanka Bulshada ayuu sheegay in caawinaad wanaagsan uu ka helo Bulshada Kenyaatiga ah oo uu sheegay in wax badan ay ka yaqaanaan la dhaqanka dadka lixaadka la’

Soomalida ayuu tilmaamay in looga wanaagsan yahay caawinta” Soomalida waa looga wanaagsan yahay caawinta maxaa yeelay mararka qaar adoo taagan meel is goys ah oo aad mashquul u ah ayuu qofka Soomaliga ah kaaga tagayaa halka qofka Kenyatiga ah uu ku leeyahay maxaan kaa caawiyaa walaalama anaa dhahayo ma i caawin kartaa…?”

Waxa uu intaasi ku daray in Marka qof Soomali ah aad doonto in aad Caawinaad Weydiisato waxa ay kuu soo taagayaan lacag oo waxa ay moodaan in aad tuugsaneyso taasoo niyadda aad iiga jabisa.

Dalmar hadda waa wiilka keliya ee Soomaliga ah haddana aragga la’ee wax ka barta Collage ay bah wadaag ku yihiin arday dhammantood Kenyaati ah

“Collage aan wax ka barto dhammaan waa dad kenyaati ah keligey ayaa Soomali ka ah ,macallimiinta waxa ay ii arkaan qof isku kalsoon oo awood daahsoon leh uma arkaan in caqabad ay iga heysato aragga  kalsooni badan ayey ii muujiyaan

waana ku faraxsanahay ,haddii wax dhibaato ah aad la kulanto waxaa jira number gaar ah oo aan la xiriirayo sidaasina aan caawimaad ku helayo ”

waxa uu intaasi ku daray in illaa heer Jaamacad uu  gaaro sidaasina  wax barashadiisa ku sii wato,waana wax iga  go’an buu yiri in aan dadaalkeyga sii wado

Waxaan ka xumaadaa marka Hooyada tiraahdo canugga lixaada la ee aan dhalay ma la igu biilayaa Laba kiilo oo Bariis ah ha’la igu siiyo taas waa waxa aan doonayo in aan wax ka qabto

Dalmar waxa uu sheegay in bulshada uu ku dhex nool yahay xuquuqda ay helaan mid la mid ah uu helo wax dhibaata ahna uusan kala kulmin bulshada ku nool  Nairobi

Dalmar waxa uu ka mid yahay dadka isticmaala Barta Facebook ee kor u dhaafaya 1.5 Bilyan ee qof haddana uu ku leeyahay saaxiibo badan oo xiriir wadaag yihiin

W/Q: Aweys Xasan Maxamed